Fannaanad Janet Jackson oo wiila u dhashay seygeeda carabka ah

0
327

Janet Jackson, fanaanadda caanka ah ee reer Mareykan ayaa dhigtay uurkii ay u sidday seygeeda muslimka ah ee kasoo jeeda dalka Qadar Wissam Al Mana (41-jir), sida ay baahinayaan warbaahinta caalamka.

Fannaanadda oo da`da kontonka jirta ayaa ku curutay wiil kaas oo loo bixiyay Eissa Al Mana, waxaana war qoraal ah oo kasoo baxay qoyskaasi ay sheegeen in dhalmada Janet ay aheyd mid dhib iyo wal-wal la`aan ah.

Janet Jackson ayaa waxaa ay la dhalatay fannaankii caanka ahaa ee geeriyooday Michael Jackson, waxaana ay fanka kusoo biirtay iyada oo aad u da`yar.

Fannaanadda ayaa horay usoo martay labo guur oo ay kala guursatay James DeBarge 1984 -1985 iyo René Elizondo, Jr. 1991 – 2000.