Faransiiska: Le Pen oo sheegtay in guusha Trump horseedayso in iyadana la doorto

0
357

Hogaamiyaha midigta fog ee dalka Faransiiska ayaa -da u sheegtay in guusha Trump ka gaadhay doorashada Maraykanku dardar gelineyso fursada iyadana loogu dooran karo in ay noqoto madaxweyne sannadka dambe.
Marine Le Pen, oo ah hogaamiyaha xisbiga French National Front, ayaa sheegtay in Trump “meesha ka saaray caqabad markii hore loo haystay in aan laga gudbi karin”.
Waxa aad loo saadaalinayaa in ay u gudbi doonto wareega labaad ee doorashada dhici doonta bisha May ee sannadka dambe.
Ms Le Pen waxay sidoo kale ammaantay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, xukunkiisa oo ay ku tilmaantay inuu yahay “ismuujin macquul ah”.
Xisbigeeda diidan midnimada yurub iyo soo galootiga ba, ayaa doorashooyinkii heer gobol ee la qabtay bishii Diisambar ka helay 27% codadkii la dhiibtay, haseyeeshee kumuu guulaysan in uu gobol keli ahna aqlabiyad ka helo sababtuna waxay ahayd xisbiyada kalee waawayn oo isku bahaystay in ay jabiyaan.
Dadka siyaasadda faransiiska lafa gura ayaa saadaalinaya in xisbiyada kale hadana cidda iyada la tartamaysa taageeri doonaan hadii ay u soo bixi weydo wareegga labaad ee doorashada.