Faransiiska oo sheegay inuu fashiliyay “weerar argagixiso”

0
344

waaxa qorey yaasir br

Madaxweynaha dalka Faransiiska, Francois Hollande, ayaa sheegaya in laamaha sirta ee dalkiisa iyo booliska ay si buuxda u fashiliyeen weerar “argagixiso”.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay inay ka hortageen shabakad isku xirneyd oo dooneysay inay weerar culus ka geystaan dalkaasi.
Hadalkiisan ayaa imaaday ka dib markii la xiray shan qof oo laga shakiyay.
Dacwad oogayaasha waxay aaminsan yihiin in raggan ay xirir la lahaayeen hogaamiye daacish oo ku sugan Suuriya ama Ciraaq.
Waxaa lagu helay inay isticmaalayeen barnaamijyo telefoon oo laamaha amniga aysan dabagal ku sameyn karin.
Waxaa looga shakiyay in ay doonayeen inay weeraraan goobo ay ka mid yihiin suuqa xilliga ciida masiixiyadda laga adeegto xarunta ciidamada ee Faransiiska iyo goobo kale.
Dowladda Faransiiska waxay aaminsan tahay in ay doonayeen in weerarkaasi ay fuliyaan Khamiista soo socota.
Raggan oo asalkooda uu ka soo jeedo waqooyiga Afrika, waxaa isbuucii aanu soo dhaafnay laga qabtay Strasbourg iyo Marseilles.
Waxaa la horgeeyay garsoorayaasha la dagaallama waxa loogu yeeray argagixisada