Farmaajo Iyo Xasan Cali Khayre Oo Soo Maleegay Qorshe Dabin U Ah  Xildhibaanadda Ka Soo Jeedda Somaliland

0
717

Farmaajo Iyo Xasan Cali Khayre Oo Soo Maleegay Qorshe Dabin U Ah  Xildhibaanadda Ka Soo Jeedda Somaliland

 

Muqdisho, 23 June 2020 (Warsugan)-Dawladda taagta-daran ee Soomaaliya, ayaa qorshe cusub oo midnimo ah u degtay Somaliland, iyaddoo xildhibaannadda calooshoodda u shaqaysta ee ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya u samaysay xeer ay ku magacaabeen xeerka Waqooyiga. Islamarkaanna waxaa dawladda Farmaajo maleeyagaysa qorshe lagu farxad galinayo xildhibaanadda ka soo jeedda Somaliland is bulshadda ay ka yimaadeen uga dhex ololeeyaan in dadka reer Somaliland lagu qal-qaaliyo in midnimaddu jiho-cusub u abuuri karto ummadda Soomaaliyeed ee xaaladda adag iyo

dhibaatadda ku soo jiray 30-kii sannadood ee u dambeeyey.Xildhibaan Canab oo ka mid ah xildhibaanadda dalka Soomaaliya ayaa sharraxay wuxuu xeerkanni yahay ”

“Xeerkan loo sameeyey Goboladda Waqooyi. Goboladda Waqooyi ma’aha dirta waqooyi oo kaliya, goboladda waqooyi waxa ka mid ah dadka halkan fadhiya oo xildhibaanno ah. Dalka Soomaaliyanna 30-ka sannood ee uu dhibaatadda ku jiray isu-sheegi maynno, maanta waxaan aad ugu farraxsannahay in aynnu ka hadallo dal iyo dad, waannu soo dhawaynaynaa in aannu maanta u doodno waqooyi oo annaga oo ka mid ah Sool iyo Sannaag oo aannu ka mid nahay kunna jirnno marxaladda gaarka ah oo na wadda-haysta haddii aannu nahay goboladda Waqooyi”Ayay tidhi xildhibaanad Canab

Sidoo kale, xildhibaan Canab waxay carabka ku dhuftay in Goboladda Banaadir iyo Sool ku jiraan xaalad adag”Gobolka Banaadir iyo gobolka Sool-baa ugu dhibaato badan, midna waa magaalo madaxdii ummadda Soomaaliyeed, midna waa midnimaddii ummadda Soomaaliyeed, waa labadda gobol ee shacabkooddu aad u dhibaataysanyey ee shacabkooddu xayiranyey ee shacabkoodda dhibaato badan haysto. Haddii loo xisaabtamayo koonfur iyo waqooyi, annigu waqooyi ayaan ahay.

Dhacdadan cusub ee uu soo maleegay Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhabar-jab  ku ah waddahadaladdii dhawaan uga furmay dalka Jabuuti Somaliland iyo Somaliland.

Wargeyska Warsugan Media Group

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here