“Faysal Cali Waraabe “Xisbiyada Tollaayeyda Ha Laga Daayo…Anna Mar Saddexaad Waan Sharaxanahay.”

0
559

“Faysal Cali Waraabe “Xisbiyada Tollaayeyda Ha Laga Daayo…Anna Mar Saddexaad Waan Sharaxanahay.”

Hargeysa(Warsugan) Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid, Eng Faysal Cali Waraabe ayaa walaac ka muujiyay ololaha axsaabta ee laga dheehan karo qabyaaladda, waxaanu ku baaqay in Qarannimo looga gudbo nidaamka qabyaaladda. Waxa uu sheegay in hammigiisu yahay Somaliland oo Qaran madax bannaan ah, sidaas darteedna uu mar saddexaad u ordi doono jagada madaxweynaha ee Somaliland xilli doorasheedkan.

Hoggaamiyaha Ucid oo shalay ka hadlayay madal lagu daahfurayay aamacad cusub ayaa iftiimiyey in qabyaaladdu ku milantay nidaamka xisbiyada “Waxaan leeyahay asxaabta qabiilka ha laga daayo, faraha ha lagala baxo ayaan leeyahay.Qabiil iyo xisbi meel ma wada galaan.Tollaayeeyda ha la joojiyo,” ayuu yidhi mudane Faysal.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay “ Waxaan idiin sheegayaa inaan halkan u imid, inaynu Qaran yeelanno. Tollaayeey kumaan iman ee waxaan ku imid yaa Somaliland-nee ka kaca, mar dambe xabaashii Koonfur ha ku noqonnina laakiin, sida imika socota waxaan ka yaabayaa in inagoo is haysanna dusha la inaga qabsan doono,” ayuu yidhi Eng Faysal.

Geesta kalena Guddoomiye Faysal oo hore tartanka madaxnimada laba goor ula soo galay Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweynihii hore Daahir Riyaale Kaahin laakiin, labada jeerba kaalinta saddexaad galay ayaa haddana bulshada u sheegay inuu la tartami doono Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro “Waxaan idiinku bushaaraynayaa, anigu mar saddexaadkiina waan ordayaa,” ayuu yidhi Eng Faysal.

Khilaafka u dhexeeya Eng Faysal iyo Jamaal Cali Xuseen ayaa la filayaa in lagu soo afjaro shirka aan caadiga ahayn ee maxakamadda sare amartay in xisbigu qabsado, waxaana la eegayaa sida ay u kala baxaan labadaasi siyaasi ee ku loolamaya musharaxnimada Ucid.

Xigasho Wargeyska Warsugan
warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office