Gabriel ‘Gabigol’ Barbosa oo ciyaarta habeen dambe safka hore kasoo muuqan doona!

0
729

Gabriel ‘Gabigol’ Barbosa ayaa sida lagu wado habeen dambe dheeli doona kulankiisii ugu horreeyay oo uu safka hore kasoo galo ciyaarta marka ay wajahaan Bologna oo ay wareegga 16-ka Coppa Italia kula ciyaarayaan San Siro.

Sida ay werinayaan Sky Sport Italia iyo Mediaset Premium, 20-jirkan oo ilaa haatan 3 kulan oo Serie A ah beddel kusoo galay, kuwaasoo marka la isu geeyo 20 daqiiqo ah, ayaa markan fursaddii ugu horreeysey heli doona.

Laacibkan aadka loogu xilka hayo ayaa xagaagii dhowaa kasoo wareegey kooxda Santos oo laga siiyay €29.5m, balse wuxuu ku guul darraystay inuu safka hore kasoo muuqdo iyadoo loo aanaynayo isaga oo aan weli fahmin xeesha kubadda cagta Talyaaniga.

Macallin Stefano Pioli ayaa Gabigol u sheegay inuu u baahan yahay inuu u ciyaaro si waaqici ah halkii uu isku mashquulin lahaa wixii ka farxinaya taageerayaasha.

Waxaa kaloo cajiib ah, in Brazilian-kani uu kulan-bilowgiisii Serie A la dheeley isla kooxda Bologna oo ay San Siro isku arkeen 25-kii Sebtember, markaasoo uu ciyaaray 16 daqiiqo.