Gareth Bale Oo Dalbanaya In Real Madrid Uu Ka Qaato Mushaar La Mid Ah Kan Cristiano Ronaldo Oo Kale, Hadiiba Uu U Saxiixayo Heshiis Cusub Uu Waqti Dheer Kula Sii Joogi Doono

0
389

Waxaa Qoray: yaasir br

Xidiga reer Weles iyo kooxda Real Madrid Gareth Bale oo dhawaanahanba lala xiriirinayay in heshiiska uu u kor dhin doono kooxdiisa, ayaa wuxuu doonayaa in Lasiiyo mushaarka uu ka doonayo kooxda Los Blancos hadiiba uu u saxiixayo kooxdiisa heshiis cusub, si uu ula sii joogo waqti aad u dheer.

Wargeyska ” The Times” ee kasoo baxa gudaha dalka Egland ayaa wuxuu xaqiijiyay in Gareth Bale uu dalbanayo in kooxda uu ka qaato sanadkiiba, mushaar la mid ah kan uu ka qaadan doono Cristiano Ronaldo kooxda waana aduun dhan 23 million euros.

Warargka ayaa waxay intaa ku sii darayaan in Gareth Bale uu xiiseenayo inuu qeyb ka noqdo qaar ka mid ah xidigaha ugu mushaarka badan aduunka, wuxuuna ka doonayaa maamulka kooxda Real Madrid ay mushaarkiisa ka dhigaan kan Ronaldo oo kale.

Bale ayaa wuxuu soo caga dhigtay Garoonka Santiago Bernabéu mudo 3 sano kahor, wuxuuna kaga soo biiray kooxda Tottenham ee dalka Egland, xidigan ayaa wuxuu haatan bartilmaameedka koowaad ee qaar ka mid ah kooxaha ka ciyaara qaarada yurub oo ay ugu horeyso  Manchester United, balse Real Madrid ayaa waxay dooneysaa in xidigan ay ka saxiixato heshiis waqti dheer uu ku sii joogayo garoonka Santiago Bernabéu.