Gareth Bale Oo Dhaawac Ka Soo Laabanaya Kulanka Espanyol Ee Horyaalka La Liga

0
605

Gareth Bale ayaa la filayaa inuu ku soo laabto Real Madrid kulanka Espanyol ee Sabtida ka dib seddex bilood oo uu dhaawac canqowga ah ku maqnaa.

Xiddiga reer Wales ayaa ku soo laabtay tababarka buuxa ee kooxdiisa isbuucii la soo dhaafay, waxaana uu u dhawaaday in lau soo darro kooxdii Madrid ee xalayto ka hortagtay kooxda Napoli koobka Champions League.

Tababare Zinedine Zidane ayaase diiday inuu halis geliyo Gareth Bale kulankaas, si kastaba, 27 jirkaan ayaa saaka dib ugu biiray tababarka kooxda, waxaana wax walba ay haatan tilmaamayaa inuu soo laabanayo kulanka Sabtida.

Haddii Bale uu qeyb ka noqdo ciyaartoyda loo soo xulanayo kulanka kooxda kaalinta sagaal kaga jirta La Liga ee Espanyol ee martida ku ah Sabtida Bernabeu, waxa ay u badan tahay inuu kursiga keydka ku soo bilaaban doono.