Garyaqaan Maxamed X. Maxamud Xirsi Carwo oo dadweynaha gobolka maroodijeex ugu baaqay inay si dhammaystiran ugu soo baxaan diiwaangelinta Cidbixiyaha‏

0
434

Garyaqaan Maxamed X. Maxamud Xirsi Carwo oo dadweynaha gobolka maroodijeex ugu baaqay inay si dhammaystiran ugu soo baxaan diiwaangelinta Cidbixiyaha‏
Hargeysa, (Warsugannews) — Garyaqaan Maxamed Xaaji Maxamuud Xirsi Carwo (Guray) oo ka mid ah Dhalinyarada Aqoonyahanka baratay Cilmiga Shuruucda, oo dhawaan si rasmi shaaca uga qaaday inuu u taagan yahay tartanka Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee ku muddeysan inay dalka ka dhacdo badhtamaha Sannadka soo socda 2017.

Garyaqaan Maxamed Xaaji Maxamuud Xirsi Carwo (Guray) ayaa dadweynaha gobolka maroodijeex ugu baaqay inay si dhammaystiran ugu soo baxaan diiwaangelinta Cidbixiyaha oo maanta oo sabti ah si rasmi ah uga bilaabantay Gobolka.

Garyaqaan Guray oo ah Murashaxiinta tartanka Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa si gaar ah ugu tartami doonaa mudaneyaasha Golaha Wakiillada u meteli doona Gobolka Maroodijeex.

Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland oo ay la socoto doorashada Madaxtooyada, ayaa loo muddeeyey inay dalka ka qabsoonto sannadka dambe badhtamihiisa waxaana muddooyinkii u dambeeyey soo kordhayey dhalinyaro iyo Aqoonyahan rag iyo haweenba leh oo shaaciyey Hankooda murashaxnimo.

Garyaqaan Maxamed Xaaji Maxamuud Xirsi Carwo (Guray) ayaa markii uu isasoo diinwaangaliyay Warbaahinta HargeisaPress.com Kula hadlay afaafka hore ee Xarunta Hayadda Shaqaalah waxaanu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu maanta is diinwaangaliyo .

Sidoo kale Garyaqaan Maxamed Xaaji Maxamuud Xirsi Carwo (Guray) ayaa dadweynaha gobolka maroodijeex ugu baaqay inay si dhammaystiran ugu soo baxaan diiwaangelinta Cidbixiyaha oo maanta oo sabti ah si rasmi ah uga bilaabantay Gobolka.

Garyaqaan Guray ayaa carrabka ku adkeeyay muhimadda ay Diinwaangalintu u leedahay dhismaha Dawladnimo, isagoo ka digay Qabyaaladda oo uu sheegay in ay tahay wax xun oo dib u dhacc keenta , dawladnimada khattar ku ah .

Diiwaangalinta codbixiyayaasha ayaa waxay saaka si rasmi ah uga bilaabmatay guud ahaanba gobolka maroodi-jeex.