Geesinimada Deeqsinimada Waayo Aragnimada, Kartida Waa Deeq Alle Bixiyo W/Q Farxaan Cabdi‏

0
1077

Geesinimada Deeqsinimada Waayo Aragnimada, Kartida Waa Deeq Alle Bixiyo W/Q Farxaan Cabdi‏

Marka hore asalaamu calaykum waraxmatulaahi wa barakaatu Iskuma dayin Maqaalkan Si aan U amaano Aan U Faaniyo Mayar Maxamed Aamiin Cumar Cabdi Waxa igu kalifay maqaalkan markaan arkay Shaqo Wanaaga , Daacadnimada , Deeqsinimada Haddaba Maayarka Gobolka Gabiley Mudane Maxamed aamiin waa Maayarkii ku xigay Maayar Shucayb Maxamed Muuse oo Hada Ah wasiirka wasaarada Warshadaha maayar amiina waa mayarka hadda haysta gobolkan gabiley waana maayar durtadiiba sameeyey horumar sidoo kale waxa uu maayarkan gabiley mudane maxamed aamiin shaqo wanaag u sameeyey guddida ururiya Qashinka Magaalada .Waxa kale waxa magaalada gabiley gidigeedaba Laga Sifeeyey Khashinkii Buuxi Jiray wakhtigii Maayaradii Hore .sidoo kale waxa uu Maayarku Dardargaliyey Intii ka horaysay 18 may Waddada Halbawlaha u ah Gobolkan Gabiley ee Hormarta Hoolka dawlada Hoose Ee Gabiley Markaan eegno shaqo wanaaga Maxamed aamiin waxay uu Maayarku shaqada soo gala 7:30 subaxnimo

Haddaba Maalintu waa Maalin Axad ah Saacadu waxay ahayd 8dii Subaxnimo Waxa Xafiiska Uu maayarku Ku Leeyahay Dawlada Hoose Gabiley Waxa Tudhnaa dad dhamaantoodba Arino kala duwan ka doonayey Maayarja Sido Kale aniga oo Mid ka mida ah Shaqaalaha Shabakada Wararka Qodaalnews oo Ana Ka Doonayey Arin Waxaan Isku Dayay In aan Bal Eego Xidhiidhka ka Dhaxeeya Maayarka iyo Shacabka Dadweynaha Gabiley iyo Daacad Nimada Maayarka Waxa aan Xafiiska Maayarka GUdihiisa Joogay ilaa 12:00 Duhurnimo Anaga oo Imid Wakhti Hore waxaan ku farxay Markaan Arkay Shaqo Wanaaga Maayarka iyo Balanta Runta ah ee Uu Dadka ku Soo Kaga Farxinayo Waxaan la Farxay markaan Arkay Dadku waxay ka soo baxayeen Iyaga oo Dhoola Cadeynaya iyo iyaga oo Faraxsan Waayo waxay Dadka ka farxinayey Marka Qofka Loo Dhameeyo Hawshiisa ama Uu maayarka Gabiley Balan U Qabto Taasina Waxay Cadaynaysaa Maamul Wanaaga Maayarka Gabiley Iyo Shaqo Wanaaga iyo Xidhiidhka Ka dhexeeya Dadweynaha Gabiley Maayarku waxa Uu Shaqada ku Jiraa 7:30 ilaa 2;3o duhurnimo maadamo oo ah maayarku maaha maayar ka meeraysta dadka iyo Balamaha waana maayar Ku Sifoobay Cadaalada iyo Rumayn Balan taasina waa ta kaa Dhigi Karta Masuul Jira markaad Dadka Run kula Dhaqanto .

maayarka Oo ah Dhalinyaro sidoo kale waxa uu xidhiidh wanaagsan ka dhaxeeyaa Dhalinyarada iyo Maxamed aamiin waana Masuul Ay Taariikhdu Qori Doonto insha allah Maadamo oo ah Amiin waa Maayarka Kaliya ee Gabiley Gaadhsiin kara Himilada ay Doonayso in a gaadhoo Gabiley .

Aragtida aad ka Qabto Masuulka iyo maamul wanaagiisa in aad soo Bandhigto waa Muhiim Maaha AmaanMaaha Waji Ku Macaash Laakin waxa Kugu waajib ah In aad Sarifto Shaqo Wanaaga iyo Xidhiidhka ka Dhaxeeya Masuulka iyo Dadweynaha uu Maamulka ku Yahay Waa muhiim

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here