Geesinimada soomalida Cali-gurey baa lagu dul-furey loogana tallaaley dadka wixii ka soo hadhey ee geesinimo ah !

0
326

Geesinimada soomalida Cali-gurey baa lagu dul-furey loogana tallaaley dadka wixii ka soo hadhey ee geesinimo ah !! ( Walaalkaa Maraga ku fur Magtana la bixi) Dr. Khadar maxamed faahiye.

Waa geesi dhashey habeen bilan.
Waa geesi geesinimada guudkiisa lagu guud furey.
Waa geesi carabkiisu laasimey runta iyo badheedhaha miidh ah.
Waa geesi iyo dawan u igman ku dhawaaqa xaqqa xilliga ay haboontahey.
Waa geesi darban oo ku dhiiran garasho iyo xeel-dheeri badhax la’.

Waa geesi -geesinimadu biyo dhigatey oo ku caan baxey ka run sheega afkaartiisa horta ah ee ku wareegaysa laabtiisa iyo madixiisaba.

Waa geesi aaney laabtiisa iyo madixiisaba aaney gumeysanin curiyayaasha ay ka mid yihiin ( xasadka, xiqdiga, damaca doqoniimada leh, beenta iyo bakhtiga , magriga iyo dhagarta haddoodilan ) kuwaas oo dhamaantood sida mara-boobta ugu dhaga ama u cabudhiya afkaaraha iyo dareenka xorta ah ee basharku ku ifin kari lahaa run sheega iyo xaqsoornimada uu ku baanan lahaa amuuraha murga iyo duruufaha qalafsan ee dhexdooda ka beerma ee ku shiniyeeysan hillaada geediga nolosha aduunyada ee la dhex-qaadayo.

Fiiro gaar ah :-
Basharku dhameys ma’aha oo qalad in uu sameeyana aadmi buu u yahey , marna uu saxnaan karaa ! marna uu qaldanaan karaa ; qoraalkaygani ma’aha oo kaliya amaan aan kula dul-kufey Geesi Cali Gurey ee waxa ay ka dareen celinaysaa sidii saxda aheyd ee uu tolkii runta iyo xaqiiqda u liqsiiyey ; waxa uu ka run sheegay xikmadan ( walaalkaa maraga ku fur magtana la bixi ).

Dr.khadar maxamed faahiye
dr.khadar05@gmail.com