GO,AANKA DAWLADA JSL KA SOO SAARTAY DHUL-DAAQSIMEEDKA, DEEGAANKA IYO BIYAHA DUUD CARAALE IYO GUUD AHAANBA DHULKA BULSHADU WADA DEGTO EE DEEGAANADA CEELAFWAYN

0
337

JAMHUURIYADA SOOMAALILAND
GO,AANKA DAWLADA JSL
GO,AANKA DAWLADA JSL KA SOO SAARTAY DHUL-DAAQSIMEEDKA, DEEGAANKA IYO BIYAHA DUUD CARAALE IYO GUUD AHAANBA DHULKA BULSHADU WADA DEGTO EE DEEGAANADA CEELAFWAYN
21.09.2016
CeelAfwayn, SANAAG
HORDHAC
Ceel-afweyne(WSN)Ka dib shaqaaqadii ka dhacday deegaanka kor ku sheegan oo keenay dhimasho iyo dhaawac ay sabab u tahay khilaafka dhulka, daaqa iyo deegaamayntu, ayaa dawlada JSL ka soo saartay go,aamada hoos ku xusan si ay deegaankaas uga hirgasho nabad waarta, wada noolaansho iyo baad iyo biyo wadaag loo siman yahay.
UJEEDOOYINKA GO,AANKAN;
1. In la sugo lana helo nabad waarta oo dhexmarta beelaha walaalaha ah ee wada dega deegaamada Ceel Afwayn,taas oo ku salaysan is aamin iyo wadaaga baadka iyo Biyaha

1. GO,AAMADA XUKUUMADU WAA SIDAN HOOS KU CAD;

1.1 NABADGELYADA
B- Dawlada ayaa ka masuul ah guud ahaan nabadgalyada iyo amaanka shacabka JSL, gaar ahaan deegaamada go,aankani sida tooska ah u saamaynayo.
T- Waxa reeban sidashada hubka sharci darada ah mid shaqsi, mid kooxeed iyo ciidan beeleed hubaysan .
J- Gebi ahaanba waxa reeban haysashada hubka culus ee uu ugu yar yahay qoriga BKM. Cidii lagu arko hubka noocaas ah, waxa loo aqoonsanayaa dambiile khalkhal gelinaya nabadgelyada waxana ciidanka nabadeglyadu ka qaadayaan talaabada ku haboon.
X- Waxa reeban nooc kasta oo hub ah in lala soo galo goobaha dadku wada dego, tuulooyinka iyo Ceelasha biyaha.
Kh- Ciidamada ilaalinta nabadgelyadu waxay awood sharci oo buuxda u leeyihin in ay ka hortagaan isla markaana ka qaadaan talaabada sharci ee ku haboon cidkasta oo samaysa falal ka dhan ah nabadgelyada
KH- Waxa la farayaa waxgaradka,odayaasha iyo hogaamiyayaasha dhaqanka ee beelaha (Cuqaasha) in ay kala diraan ciidan beeleedyada hubaysan 24 saacadood gudahood oo ka bilaabanta maaanta oo taariikhdu tahay 21/09/2016.
C- Ciidanka qaranka waxa la farayaa in ay dabagal iyo hubin ku sameeyaan dhaqangelinta iyo fulinta go,aanka kala dirista ciidan beeleedyada.
D- Shakhsiyaadka ama kooxda ka hortimaada kala dirista ciidan beeleedyadaas, fulin wayda qodobada go,aanka iyo awaamiirta ciidanka qaranka waxa loo aqoonsanayaa dambiile/dambiilayaal waxaana laga qaadayaa talaabo kasta oo ku haboon iyadoo la horgayn doono hayadaha sharciga.

1.2 DAAQA
B- Iyadoo la tixraacayo degreetada madaxwaynaha JSL, dhulka daaqa iyo deegaanka xoolaha lagu dhaqaa waa hanti qaran oo ay masuul ka tahay dawladu sidaas awgeed, lama kala laha, lamana kala sheegan karo,dhulkuna manaafacaadsigiisa waa loo siman yahay
T- Cidii ay ku cadaato inay cid kale ka sheegato dhul daaqsimeedka, waxa ciidanka iyo hayadaha amnigu u xilsaaran yihiin inay talaabo sharci oo ku haboon ka qaadaan.

1.3 DEEGAANKA IYO DEEGAAMAYNTA
B- Gebi ahaanba waxa la joojiyo deegaamaynta dhul daaqsimeedka dadka ka dhexeeya oo had iyo jeer sabab u noqda khilaafka bulshada deegaanka iyo colaadaha sokeeyo.
T- Lama deegaamayn karo guud ahaan dhulka xooluhu daaqaan ee aan loo haysan ogolaansho dawladeed oo sharci ah.
J- Laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 21/09/16 waxa reeban in deegaamada dhul daaqsimeedka laga yagleelo magaalooyin, xidhmooyin, tuulooyin, ceshiimooyin, Baraago, IWM.
X- Maamulada gobolka Sanaag,Sool iyo maamulada degmooyinka Ceel-Afwayn, Garadag, Dararwayne, Awr Boogays iyo Xudun awood sharci uma laha ogalaashaha iyo bixinta degsiimooyin cusub oo laga yagleelayo dhul daaqsimeedka ilaa iyo inta sharci qeexayaa ka soo baxayo.

1.3.1 Deegaamaynta Bacaha:
Dawladu iyadoo ka duulaysa:
• Soo afjarista shaqaaqooyinka soo noqnoqday ee ku salaysan deegaamaynta goobtaas
• Ilaalilnta iyo daryeelka dhuldaaqsimeedka dadka ka dhaxeeya
• Go,aamadii maamulka Gobolka Sanaag iyo Ceel- Afwayn ka soo saareen goobtaas
Dawlada JSL waxay go,aamisay ;
B- In deegaanka Bacahu uu yahay dhul daaqsimeed dadka ka dhaxeeya oo aan la kala sheegan Karin.
T- In ugu danbayn 10 bisha Tobnaad (10/10/2016) gebi ahaanba la baabiyo, lana aaso dhamaan waxii dhisme ka jira deegaanka bacaha sida; godadka bacaha la geliyo ee biyaha, waabab,Buulal, xidhmooyin, IWM
J- Waxa reeban in goobtaas laga sameeyo wax berkado ah.
1.3.2 Deegaamaynta Isku-Kufka:
Dawladu iyadoo ka duulaysa:
• Iyadoo laga hortagayo in aan deegaamada dhul daaqsimeedka laga samayn yagleel cusub.
• Ilaalilnta iyo daryeelka dhuldaaqsimeedka dadka ka dhaxeeya
• Go,aamadii maamulka Gobolka Sanaag iyo Ceel- Afwayn ka soo saareen
Dawlada JSL waxay go,aamisay;
B- In deegaanka isku-Kufka yahay dhul daaqsimeed dadka ka dhaxeeya oo aan la kala sheegan Karin.
T- In ugu danbayn 10 bisha Tobnaad (10/10/2016) gebi ahaanba la baabiyo dhismayaasha ka jira deegaanka Isku-Kufka
J- In aan laga samayn Karin berked biyood nooc kasta oo ay tahay marka laga reebo berkada kaliya ee imika ka jirta Isku-Kufka, taas oo hore loo ogolaaday.
1.3.3 Dhismayaasha Ceelka Dogoble:
Nabadu waa aasaaska wada noolaanshaha bulsho kasta . Dawlada JSL iyadoo;
• Ka duulaysa Soo afjarista shaqaaqooyinka soo noqnoqday ee ku salaysan deegaamaynta ceelka Dogoble
• Ka duulaysa nabadaynta iyo wada noolaanshaha beelaha walaalaha ah ee wadaaga baadka iyo biyaha deegaanka ceelka dogoble.
• Ka duulaysa texgelinta iyo dhaqangelinta heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Dararwayne 1993kii oo qeexayay in aan la deegaamayn Karin ceelasha Duud-caraale
Dawlada JSL waxay go,aamisay ;
B- In ugu danbayn 10 bisha tobnaad (10/10/2016) lagu baabiiyo dhamaan dhismayaasha ceelka Dogoble.
T- Waxa Reeban in dhismayaal iyo degsiimo laga sameeyo Ceelasha Duud Caraale go,aankan ka dib.
J- In dawladu bixiso magdhowga dhismayaasha rasmiga ah ee ka kooban daaraha, sandaqadaha iyo kuwa dhagaxa ah .
X- Qiimaynta hantidaas waxa Dawladu u saaraysaa Guddi farsamo oo madax banan oo aqoon u leh qiimaynta hantidaas.
KH- Marka ay soo baxdo qiimaynta hantidaasi, waxay Xukuumadu ku bixinaysaa magdhowga lacagta ah ee dhismayaashaas 30 cisho gudahood.

2. BIYAHA
B- Biyaha dabiiciga ah ee ceelasha iyo dooxooyinka lama kala laha, gaarna looma kala sheegan karo, si siman ayaana loo wada cabayaa dad iyo duunyo.
T- Ceelka Dogoble waxa masuul ka ah wasaarada biyaha oo keenaysa mishiino iyo shaqaale dhex u ah bulshada deegaankaas. Inta la keenayo mishiinka wasaarada waxa lagu cabayaa habka wadaanta ama mishiin ay ciidanka qaranku maamulaan. Waxaana ka reeban in lagu isticmaalo mishiin gaar loo leeyahay.
J- Wasaarada biyihu wxay ka dhisaysaa ceelasha dushooda taangi biyood sida ugu dhakhso badan.
X- Maadaama Ceelka Dogoble iyo ceelasha kale ee Duud Caraalle ku filan yihiin waraabka xoolaha, waxa la mamnuucay dib u qodista ceelka Dhuxulaalay gebi ahaantiis.
Kh- Hadiiba ay timaado baahi loo qabo qodista ceelka Dhuxulaalay oo ay bulshada deegaanku isku raacsan tahay waxa awooda bixinta iska leh dawlada dhexe ee JSL oo kaliya.
C- Waxa gebi ahaanba mamnuuc ah in degsiimooyin laga yagleelo ceelasha Duud caraale ee xoolaha laga waraabiyo dushooda.

3. DHIMASHO IYO DHAAWAC
B- Dhamaan dadkii ku geeriyooday 2dii dhacdo ee kala dambeeyay oo ah 13 qof ( Saddex iyo Toban) waxa ka waajibtay mag.
T- Qadarka iyo qiimaha magta dadka dhintay waxa lagu kala qaadanayaa qofki 130 Halaad( Boqol iyo sodon Halaad)
J- Jifada magahaas waxa lagu kala qaadanayaa 40 Halaad oodhogor ah waxaana lagu bixinayaa muddo dhan 30 cisho oo ka bilaabanta berri oo taariikhdu tahay 22/09/2016.
X- Magwaynta kale waxa lagu kala qaadanayaa qiime dhan $400 ( Afar boqol oo dollar Hashii), waxaana lagu bixinayaa muddo dhan 90 cisho kalliya oo ka bilaabanta berri oo taariikhdu tahay 22/09/2016
KH- Waxii dhaawac dhexyaala beelaha walaalaha ah waxa lagu xalinayaa oo loo marayaa habka shareecada Islaamka, waxaana loo saarayaa Guddi culimo ah oo khibrad u leh muddo 90 Cishogudahood ah.
Kh- Magahaas hadii mudadaas kor ku sheegan lagu bixin waayo, Xukuumada awood u isticmaalaysa si ay ugu bargoyso.

4 FULINTA GO,AAMADA IYO DHAQANGALKOODA
B- Hadii la jebiyo dhaarta labada Beelood iyo qodob kamid ah qodobada go,aankan waxa reerka ay ku cadaataa mutaysanayaa xadhig loo maray sifaha sharciga iyo bixinta ganaax lacageed oo ah $20,000 oo lagu qiimaynayo hadba dhumucda dhacdadu inta ay leegtahay.
T- Dhamaan qodobada heshiiskan waxa fulintooda ka masuul ah dawlada JSL oo ay wakiil uga yihiin Ciidanka Nabadgelyada iyo wakiilada heer gobol iyo degmo oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ee deegaanka( cuqaal iyo Salaadiin).
5 WAQTIGA DHAQANGALKA GO,AANKAN
B- Go,aankani waxuu si rasmiya dhaqan gal u yahay marka la soo saaro nuqul ay ku saxeexan yihiin wasiirada xukuumada ee uu Madaxwaynaha JSL u soo igmaday arinta khilaafka Duud Caraale iyo deegaanka Ceel-Afwayn.
T- Laga bilaabo taariikhda go,aankani soo baxo waa dhaqan gal qodobadiisu, xogta nuxur ee u xambaarsan yahay iyo guud ahaan fulinta awaamiirta uu tilmaamayo.

6 SAXEEXA GO,AANKAN
Go,aamada waxa soo saaray oo saxeexay xubnaha wasiirada hoos ku qoran oo madaxwaynaha JSL u igmaday xalinta arinta;
1. Yaasiin Maxamuud xiir (Faratoon) Wasiirka Arrimaha gudaha ——————————
2. Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirka Madaxtooyada ——————————-
3. Cusmaan Cabdullahi Saxardiid ( Cadaani) Wasiirka Warfaafinta —————————–
4. Cali Saciid Raygal Wasiirka Dibu-dejinta iyo Dibu dhiska ——————————
5. Farxaan Aadan Haybe Wasiirka Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka —————————
6. Cabdirashiid Maxamuud Cali W. Dawlaha Xanaanada xoolaha —————————
7. Maxamuud Warsame Jaamac Wasiir Xigeenka Gaashaandhiga —————————-