Gobollada Bariga Somaliland Oo Abaar Baahsani Ka Jirto iyo Xukumadda Oo Raashin Gargaar Ah U Dirtay

0
362

Gobollada Bariga Somaliland Oo Abaar Baahsani Ka Jirto iyo Xukumadda Oo Raashin Gargaar Ah U Dirtay

Burco(Warsugan) Abaar baahsan oo saamayn taban ku yeelatay xoolaha ayaa ku dhufatay gobollada bari ee Somaliland, kadib markii roobabku yaraadeen dhawr xilli roobaad, haddana Raxmaadka dayrtu raagay. Xoolaha ayaa haatan bilaabay inay dhintaan, kadib markii ay la caatoobeen baad la’aanta ku daba dheeraatay sida ay sheegayaan guddiyo kormeeray gobollada Togdheer ilaa Sanaag.

Guddida abaaraha gobolka Togdheer iyo maamulka gobolka Saraar oo ay weheliyaan waxgaradka degaanka ayaa shalay shaaciyay qaylo dhaan abaareed oo nuxurkeedu yahay in loo dhug yeesho dhibta abaaruhu ku keeni karaan dadka iyo duunyada. Guddiyada abaaraha ee degaannada ayaa walaac xooggan ka muujiyay heerka abaartu marayso, kuna baaqay in loo diyaar garoobo gargaar bulshada la gaadhsiiyo, iyagoo meesha ka saaray inaanay waxba tari doonin laba kun oo kiish oo xukumaddu u sii waddo goboladaasi.

Dhinaca kalena Cismaan Cabdi Diiriye oo ka mid ah odayaasha Bariga Sanaag ayaa sheegay in socdaal xaqiiqo raadis ah uu ku maray degaannada Bariga Sanaag ay ku soo arkeen abaar ba’an oo dhammaan degaannada saamayn xun ku yeelatay. Waxa uu sheegay in xooluhu hadda dhimanayaan “Xaaladda abaarta ee Bariga Sanaag aad iyo aad bay u adag tahay. Jiilaalku wuu soo adkaaday. Dhibaato badan baa jirta. Xilliyo dhawr ah oo wakhti roobaad ahayd oo aan dadku roob helin baa jirta. Dhibaato aad u badan oo dhinaca degaanka iyo xoolaha ah ayaa jirta. Markii xooluhu waayeen daaq iyo biyo ayay aad u macaluuleen oo waxay bilaabeen inay bakhtiyaan,” ayuu yidhi Oday Cismaan oo BBC-da la hadlayay.

Guddoomiyaha gobolka Saraar, Cali Maxamed Faarax, ayaa sheegay in bulshada degaannada Bariga oo ku tiirsan xoolaha nool ay halis galayaan haddii xooluhu riiqmaan “ Abaar khatar ah ayaa jirta, oo ka soo daraysa, xoollihii way tin go’een oo hadda way dhimanayaan. Haddii xooluhu dhintaan, dadkuna wuu ku daba jiraa, dhulkan dadka ku noola wax kayd ah oo ay leeyihiin ma jiro ee waxay ku nool yihiin xoolaha, markaa sida neefku noqdo ayuun buu noqonayaa qofkuna. Qaylo dhaanta maanta aanu u dirayno xukumaddu waa mid mug iyo miisaan leh, waxaan leeyahay degdeg-degdeg baanu ugu baahannahay in dawladdu ugu soo jeedsato gobolladan,” ayuu yidhi Badhasaabku.

Sidoo kalena guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay oo salaaddii Jimchaha kadib bulshada la hadlayay ayaa sheegay in abaarta jirtaa tahay mid baaxad leh, waxaanu Alle ka baryay inuu bulshadiisa abaarta ka soo jabiyo “Illaahayow dadkaas masaakiinta ah ee abaarta iyo collaaddu isku gashay ka dulqaad, Illaahayow soo waraabi, Illaahayow adaa Qafuura-raxiim ahe ka dulqaad. Illaahow abaar iyo collaadi hadday isku kaa gasho waa dhibe naga dulqaad oo raxmaadkaaga noo shub,” ayaa ka mid ahaa ducada guddoomiyaha.

Geesta kalena deeq dawladda Turkigu dhawaan soo gaadhsiisay Somaliland ayaa qaybtii gobollada Barigu gaadhay Burco, halkaasi oo badhasaab Qabo, wasiirka dib u dejinta iyo wasiirka degaanku u kala direen gobollada Togdheer, Sool iyo Sanaag. Waxaa la rajaynayaa in raashinkaasi gaadho 21 kun oo qoys oo loogu talo galay, balse dadka abaaraha indho indheeyay ayaa sheegaya inaanay waxba ka tarayn baahida baaruhu keeneen ee degaannada ka jirta.

Xigasho Wargeyska Warsugan
Hargeysa/Somaliland/Office
warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com