Golaha Culimada Soomaalida Oo Sheegay In Aanay Banaanyn In Haweenku Ciyaaraha Kubadaha Dheelaan

0
315

Golaha Culimada Somaliya ayaa si adag uga soo horjeestay tartanka kubadda Kolayga ee maamul-goboleedyada dalkaasi Somaliya oo ka bilaabmay magaalada Garoowe,
kaas oo ay ku tilmaameen inuu ka soo horjeedo Diinta Islaamka.

Sida shabakadda Wararka ee Somalilamdtoday ay ka soo xigatay Idaacadda BBC qaybteeda Afrika la hadasha, tartankii ugu horreeyey ee kubadda kolayga ah oo loo qabto haween tan iyo burburka dawladdii dhexe ayaa ka bilaabmay Garoowe, kaas oo ay ka qayb-gelayaan shan maamul-goboleed iyo caasimadda Muqdisho.
Laakiin Guddoomiyaha Golaha Culimada Somaliya, Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in tartankaasi uu ka soo horjeedo dhaqanka suubban ee Diinta Islaamka.
“Waxa aanu ka digaynaa ciyaaraha haweenka oo ah wax aanay diinta Islaamku ogolayn, mana wanaagsana inay raggu daawadaan dumar ku lebbisan dharka ciyaaraha ee gaagaaban, dhaqan ahaan iyo diin ahaanba lama ogola. Waa wax laga xishoodo.” Sidaas waxa yidhi Sheekh Bashiir Axmed Salaad.
Sheekhu isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa ku daray: “Tani waxay sababi kartaa burbur iyo dhibaato.”
Si kastaba ha ahaatee, tartanka ciyaaraha haweenka ee maamul-goboleedyada Somaliya ee kubadda kolayga, ayaa ka furmay magaalada Garoowe, halkaas oo culimaduna ay uga direen dhalleecayn.

war sugan news