Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Digniin Adag U Diray Maamulka Xamar, Beesha Caalamkana Baaq U Soo Jeediyey

0
378

WAR-SAXAAFADEED: 04 /07/2019

Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Digniin Adag U Diray Maamulka Xamar, Beesha Caalamkana Baaq U Soo Jeediyey

Kal-fadhigii 37-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/07/2019, uu shir gudoominayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa warbiximo lagaga dhegaystay wasaarradaha, waxbarashada iyo sayniska iyo qorshaynta & horumarinta qaranka. laguna ansixiyey siyaasadda horumarinta ganacsatada dhexe iyo kuwa yaryar, Sidoo kalena baaq iyo digiin laga soo saaray.

Ugu horayn wasiirka wasaarrada waxbarashada iyo sayniska ayaa warbixin golaha ka siiyey hawlaha wasaaradda iyo horumarka wasaaradu ku tallaabsatay, isagoo sheegay inay diirada saareen tayeynta waxbarashada iyo tababarada barayaasha, si loo horumariyo waxbarashada, wuxuuna tilmaamay inay wasaaradu kormeer joogto ah ka waddo goobaha waxbarashada, si kor loogu qaado kobaca waxbarashada dalka. Sidoo kale waxa uu xusay inay diyaariyeen xog ururinta waxbarashada waddanka iyo casriyeynta keydka manaahiijta qaranka.

Dhinaca kale wasiir ku xigeenka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka, ayaa golaha sharaxaad dheer ka siiyey hab maamulka iyo mashaariicda sanduuqa horumarinta Somaliland ee loo soo gaabiyo (SDF), waxaanu ku dheeraaday ahmiyada weyn ee mashaariicda sanduuqaasi qaranka u leeyahay, isagoo sheegay inay si habsami ah guud ahaan dalka uga socdaan mashaariicda laga maalgeliyo Sanduuqa (Somaliland Development Fund). Waxa kale oo goluhu ansixiyey siyaasadda horumarinta ganacsatada dhexe iyo kuwa yar yar oo ay soo diyaarisay wasaaradda ganacsiga, wershedaha iyo dalxiisku.

Golaha wasiirradu waxa ay fariin adag u dirayaan maamulka muqdisho oo marwalba ku foogan dagaal joogto ah oo ay ku wadaan dalka Somaliland, taasi oo muujinaysa cadaawada iyo colaada ay u hayaan shacabka Somaliland.

Xukuumadda Somaliland waxay beesha caalamka ugu baaqaysaa dal aan awoodin doorasho dadweyne oo caalamku u dhisay dawladdo badan oo fashilmay ta maanta joogtaana villa Muqdisho aanay meelna udhaafsanayn inaan la barbar-dhigin Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka jirto dimuquraadiyad kala dambayn iyo doorashooyin xor iyo xalaal ah ayna ka qabsoomeen lix doorasho, adduun weynuhuna ka marag kacayo, inay Somaliland ka go’an tahay iskaashiga, horumarka iyo xasiloonida adduunka. Haddaba Jamhuuriyadda Somaliland waxay marwalba diyaar u tahay in fagaare caalamiya loogu garnaqo Maamulka Xamar, balse taa waxa burisay shirkii Kenya ee ay ka baaqdeen, beesha caalamkuna goob joog ka ahayd.

Dawladda Somaliland waxa ay ka digaysaa in mamulka muqdisho khatar amni darro iyo qalalaase hor leh ka abuuro manqada geeska afrika oo leh sooyaal taariikh colaadeed oo dheer.

Ugu dambeyn, goluhu wuxu shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku baraarujinayaa inay u diyaar garoobaan difaaca qarankooda.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.