Goormee ayaa la furayaa Saldhiga Milateri ee Turkiga uu ka dhistay Somaliya?.

0
411

yaasir br

Iyadoo lala wada socdo in Dowladda Turkiga markii ugu horeysay Qaarada Afrika ay ka sameysatay Saldhig Milateri , Saldhigaasi oo ah mid weyn islamarkaana lagu tababari doono ciidamada Somaliya, ayaa sida qorshaha uu yahay waxaa la furi doonaan Saldhigaasi Bilowga Sanadka cusub ee soo socda.
Dowladda Turkiga ayaa dhismaha Saldhigan waxa ay ku bixisay Qarash dhan 50Million oo doolar, waxaana la bilaabay dhismaha Saldhigan Bishii March ee sanadkaan, xilligaana wuxuu marayaa heer gabo gabo ah.

Ebubekir Şahin oo ah Agaasimaha Shirkada Dhismaha Istanbul Mogadishu General Construction, ayaa u sheegay Wakaalada Wararka Turkiga ee Anadolu Bisha Janaayo ee sanadka cusub in daaha laga rogi doono Saldhigaasi oo ah mid casri ah.

Waxa uu sheegay Saldhigan inuu u dhaw yahay Dekada iyo Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, wuxuuna 3-KM u jiraa Isbitaalka Ex-Digfeer oo hada loo yaqaan Erdoğan Hospital.

Ebubekir Şahin, ayaa sheegay Saldhigan inuu awood u leeyahay markiiba in lagu tababaro 500 oo Askari, islamarkaana uu leeyahay goob Maktabad ah, Bakhaaro waaweyn iyo goobaha ciidanka tababarka ay ku qaadanayaan.

Saldhigan Dhexdiisa waxaa laga dhex furay Saddex Dugsi oo nooca ciidanka lagu tababaro ah, taasi oo Ciidamada Somalida u saamixi doonta inay helaan tababar wanaagsan oo ku filan xaga Khibrada ciidanka ah.

Tababarka ayaa waxaa bixin doona Saraakiil u dhalatay dalka Turkiga, kuwaasi oo ciidamada Somalida ka caawin doona sidii ay u noqon lahaayeen ciidan hela tababar wanaagsan oo tayadiisa ay tahay mid sare.

Dowladda Turkiga oo saaxiib la’ah Somaliya ayaa waxa ay Dowladda Somalida ka caawisa taageerada tooska ah ee dhanka Qarashka, taageerada ciidanka, midda amniga iyo mida arimaha Bulshada intaba.