Guddiga doorashada SOMALIY oo soo bandhigay magacyada dhiman ee u tartamaya kuraasta aqalka sare

0
375

Guddiga Doorashada Dadban ee dalka ayaa maanta soo bandhigay Liiska Musharaxiinta ku tartamaysa kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.Arintan ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii shalay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka uu kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Dadban, kana codsaday in la de dejiyo doorashooyinka Xubnaha dhiman.

Musharaxiinta maanta ku tartamaya doorashada Aqalka sare ayaa waxaa ku jira Siyaasiyiin caan ah oo kasoo jeexda gobolada Waqooyi, waxaana ku jira Musharaxiinta xubno horey dowladihii kala duwanaa uga soo noqday Wasiiro iyo Xildhibaano.

Ammaanka goobta Doorashada lagu qabanayo ayaa waxaa si wadajir ah u adkeeyay ciidamada Booliska Soomaaliya iyo ciidamo Boolis ah oo ka socda ururka Amisom.