“Guddigan Cusub Waxa uu Madaxweynuhu u Xil Saaray ka soo Kabashada Abaarta, Waxaanay Muddo 45 Cisho ah Ururin doontaa Dhaqaale Toban milyan oo Doolar Ah ($10,000,000.)”

0
327

“Guddigan Cusub Waxa uu Madaxweynuhu u Xil Saaray ka soo Kabashada Abaarta, Waxaanay Muddo 45 Cisho ah Ururin doontaa Dhaqaale Toban milyan oo Doolar Ah ($10,000,000.)”

Hargeysa(WSN)Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Waxa aynu nahay bulsho ay dhibaatooyin badani haystaan, kuwaas oo ay maanta ugu miisaan weyn-tahay abaarta soo noqnoqonaysa sanad walba, oo salka ku haysa cimiladii dunida oo isbadashay, dhibaato badana ina gaadhsiisay maanta.

Bulshada marka duruufo badani ay hakiyaan waxa waajib ku ah in ay ka dabaashaan oo maskax iyo qorshe ay kaga gudbaan ay la yimaadaan, hoggaamiyaha ummaddaas-na xilka ugu weyn ayaa saaran, inuu ummadiisa ku jiheeyo qorshahii ay kaga bixi lahaayeen, waayo dhibaatooyinka badankoodu waa wax aan qorsha marka hore inoogu jirin, markaa waa inaynu samaysanaa qorshe aynu kaga samata baxno.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waa hoggaamiyihii qaranka, Ummadda oo dhan waa madaxweynihii ay doorteen isagaa u madax ah, u hogaamiye ah, koox iyo qayb gaar ah madaxweyne uma aha, bulshada oo dhan ayuu hoggaamiye u yahay, isaga oo ka duulaya masuuliyadiisaas waxa uu qiimeeyey duruufta dalku ku jirto, waxa uu qiimeeyey xogaha ka soo gaadhayey dadkii abaaruhu sabaaleeyeen ee faraha badan ee hay’adaha u xil saarani ay u soo gudbiyaan, waxa uu lagama maarmaan u arkay markaa in maanta isaga iyo Xukuumadiisaba ay xil wayni ka saaran tahay in maanta dadkaasi ay u baahan yihiin in duruuftaas abaarta wixii ay ka dhaxleen laga samata-bixiyo. Wuxuu lagama maarmaan u arkay inay ka kabtaan tabaalihii soo gaadhay, xoolahoodii oo baxay boqolkiibada todobaatan, (70%), sida la xaqiijinayo beerahoodii oo in badani ay nabaad guureen, biyhii oo yaraaday, ceelashii aynu cabi jirnay oo dhanaan isu badalay, iyo biyaheenii oo iska socda oo durdur ah, waxaas oo waayo ah ayaa ina haysta.

Wuxuu u arkay markaa munaasibadii qarankan ee weynayd, ee Umaddani ay cabiri-jirtay dareenkeeda ee ay dabaal degi jirtay, ee ay ku midoobi jirtay, inay maanta ka mudan tahay in mashruucaas si kale loo badalaa, maalintii qaranimada lama yarayn, lama bakhsin 18-ka May waa maalintii qarankani uu madax banaanidiisa la soo noqday waa maalin ku weyn, taariikhda iyo quluubta dadkana ku xardhan, waxase uu Madaxweynuhu uu lagama maarmaan u arkay markuu la tashaday dad faro badan oo waxgarad ah oo qarankan ka mid ah in maanta aanay mudnayn in bulshada baahidaa faraha badani ay hayso inaan bukhaanbukh aanu la gudboonayeyn ee ay la gudboon tahay inay isu gargaaraan, inay isu damqadaan, in aynu caadifadii iyo xamaasadii u badalno inaynu dadkeena caawino.

Ummadda Somaliland oo ah shacab yaqaana sida wax laysu siiyo, waxa dhab ah in duruuftii adkayd ee laba milyan oo ruux oo dadkeena ka mid ah, ama ilaayo 350 kun oo qoys oo dadka Somaliland ka mid ah abaarihii saameeyey ee tabaalaha faraha badan gaadhsiiyey, ILAHAY mahadii wax badan ayeynu dhaawicii la dabaalanay, wax badana waa ina gaadhay, ILAHAY (SWT) ayeynu barinay, Madaxweynuhu guddi qaran ayuu sameeyey oo taakulaynta abaaraha loogu tallo galay, guddidaasi hawl weyn ayey qabteen.

Xukuumadda Somaliland waxa ay aaminsan tahay in bulshada Somaliland ay isla soo dabaalatay, oo ay ka soo gudubtay duruuf adag oo keeni lahayd dhimasho xad dhaaf ah, qaran aan la aqoonsanayn, deyn aan dunida la heli Karin, deeq toos ah helin, mucaawimo toos ah iyo mid dadban oo lixaad leh aan helin, oo duruufahaasi ku habsadeen, ILAHAY qadarkiisa wax badan ayaa inoo qabsoomay, isku tashigeena, iyo iskaalmaynteena , iyo isku halaynteena ayaa ay wax badan ku qabsoontay, wax dhab ah in maanta inta inaga dhimatay ee duruufahaas inagaga dhimatay oo tiro kooban ah, hadii aynaan talaabooyinkaas qaadina dhimashadu intaas waa ka badnaan lahayn ajashana ILAHAY ayaa haya, sidaa xoolaheenu u dhinteen ayuu dadkeenuna u dhiman lahaa, waxa bartilmaamreen u ahaa gudiddii taakulaynta abaaraha oo Madaxweynuhuna uu nusdambeed u ahaa in dadka la bad baadiyo.

Madaxweynuhu guddigan uu magacaabay waa guddi ka duwan guddidii hore, laba xil oo kala duwan ayey leeyihiin, guddigaas hore dadka abaaraha ku tabaaloobay ayaa waajibkoodu ahaa inay taakuleeyaan ilaayo hadana gudidaasi waa guddi jirta imika markab raashin ah oo imaaraadku inoo soo diray ayaa taagan kaas ayey qaybinayaan, hawshaas ayey gacanta ku hayaan. Guddigan cusub waxa masuuliyadooda uu madaxweynuhu u xil saaray ay tahay ka soo kabashada abaarta, hal mashruuc weeye, oo la yidhaa Ka soo kabashada abaaraha, dadkeeni abuuruhu gaadheen ee xooluhu ka dhamaadeen, beeruhu ka xumaadeen, waxay u baahan yihiin in loo sameeyo dib u dajin iyo dib u ururin.

Guddidaasi waxay ururin doontaa dhaqaale toban milyan oo doolar ah, dhaqaalahaas oo sida loo ururinayo iyo meelaha ay ka imanayaan, dhamaantoodba waa la jaangooyey, shan arrimood weeye, ugu horayn dadkeenii barakacay, dad badan ayaa Soomaaliya inaga tagay, dad badan oo bariga ka soo guurayna galbeedka ayey yimaadeen, oo way is dulsaaran yihiin, dadka gobolada galbeedka ee Awdal iyo Gabiley, waanu u mahad naqaynaa sida ay dadkaasu u qaabileen, mar hadii roobkii da’ay waxa loo baahan yahay in dadkii dib loo celiyo, guddi ahaan dad ilaa labaadhan kun oo qoys ah ayaanu qiimaynay inay u baahan yihiin in dib loo celiyo. Mashruuca u horeeya ee la qabanayaa waa kaas.

Mashruuca labaad waxa weeye waxa aynu ku qabsanaya dadkeeni xooluhu ka baxeen ee caydhoobay, waxa guddida u qorshaysan in toban kun oo qoys (10, 000) oo caydhoobay oo maanta tuulooyinka ku soo ururay in xoolo loo iibiyo tobankaas kun ee qoys, xoolaha dibadda laga keeni maayee kuwa wax haya ayaa laga iibinayaa.

Mashruuca sadexaad waxa weeye dhibaatada ina haysataa waa biyo la’aan, laba xili ayeynu biyaha helnaa, ma nihin qaran biyo yar, waxa jira dad inaga roob yar oo maanta inaga farsamo fiican, wadama maanta waqooyiga afrika ku yaala ee Tunis, Morocco iyo Algeria, biyaha ay helaan Hargeysa ama Maroodijeex, inta ay helaan ayaa ka badan, biyo xidheeno ayey samaynsteen xirfad iyo mahaarad ayey la yimaadeen, waxa guddigu ay doonaysa in la qodo shan iyo labaatan ceel, sideed iyo toban bali ama biyo xidheena la sameeyo, oo biyaha dhulka maraya la qabto, waxa kale oo qorsha ku jirta oo la samyn doonaa in meelaha munaasibadka ah ee seerayaasha ah in biyaha loo duwo, qorshahani maaha malo awaal, waa la daraaseeyey, hadii lacagtaas la helo, qorshahani waa la helayaa.

Arrinta afaraad waxa weeye waa beeraha, shan iyo sodan kun oo beerood 35,000 ayey guddigu doonaysaa inay dadka jilicsan ee aan awoodoodu u saamixi Karin in laga caawiyo, 35 000 kun ee beerood waxa qoys walba laga caawinayaa oo beerta loo qodayaa ugu yaraan sadex saacadood, si ay qoyskaasi u heleen cuno ku filan isla markaana aynu wax beerashada u dhiiri-galino.

Qodobka shanaad waxa weeye lix iyo labaatan seere in wax laga qabto laba iyo toban ka mida oo imika diyaar ah ayey guddigani u qorshaysay in wax laga qabto, oo bulshada deegaankaa lihi ay qaybna xooluhu u daaqo qaybna loo xidho, oo loo ilaaliyo, sidii daaqa loo ilaaliyo, oo marka uu xaalku adkaado ay kan kale u soo guuraan, biyihiina wuu u qodan yahay, seerihiina waa loo ilaaliyey.

Shantaas mashruuc ayaa guddigani ay xaqiijin doontaa shan iyo afartan cisho aduunkaas soo gala, 26 June oo ah maalinta umadani xoriyada qaadatay ee hore 1960kii, ayaa u dambayn doonta, 27 June-na waxa la yeedhin doonaa hantidii soo hoyatay mudadaas, qaabka qaadhaan ururtu waxa uu noqon doonaa qaab aad iyo aad bulshada loogu soo bandhigo, oo aqal aqal loo gaadho oo ilaa kun dhalinyaro ah oo mutadawciin ah ayaa la hawl galin doonaa, waxa la soo dhajin doonaa qaabka qaadhaanka loo ururinayo.”