Guddoomiyaha KULMIYE oo Bannaanka soo Dhigay Dhaqanno Dadnimada iyo Diinta ka Baxsan oo ay Caaddaysteen Madaxda WADDANI

0
459

Guddoomiyaha KULMIYE oo Bannaanka soo Dhigay Dhaqanno Dadnimada iyo Diinta ka Baxsan oo ay Caaddaysteen Madaxda WADDANI

Boorama (WSN)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbal-xaakimka Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa jawaab cad ka bixiyey hadallo deelqaaf ku ah curfiga siyaasadda iyo dhaqanno diinta iyo dadnimada suubban kasoo horjeeda oo ay muddooyinkii ugu dambeeyey caadaysteen madaxda xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey xaflad xisbiga KULMIYE ku soo dhaweeyey dallad ay ku midoobeen aqoonyahanka gobollada galbeedka Somaliland oo magacooda la yidhaa GURMAD oo lagu qabtay magaalada Boorama maanta, waxa uu bulshada dib-u-xasuusiyey cidda lahayd masuuliyadda dib-u-dhacyada ku yimi doorashooyinka Somaliland oo ah xisbiga WADDANI, balse uu hadda caadaystay inuu arrintaa dhaliil uga dhigo KULMIYE iyo xukuumaddiisa, isagoo wax aan la aqbali karin ku sifeeyey mucaarid doorasho diid ah, waxaannu yidhi, “Adduunyada waa kow, dimuqraaddiyaddana way ku cusub tahay xisbi mucaarad ah oo doorashada dib-u-dhiga oo kii xukunka hayeyna yidhaahdo waar doorashada aan galno, markhaatigediina waa shalay, maantana markii ay madaxdii WADDANI Madaarka soo gaadheen way inoo daareen dardaar-werin iyo doorashadii baa dib loo dhigayaa, waar ma wixiinii baad la soo socontaan, waxaannu idiin sheegaynaa haddaanu xisbal-xaakimkii iyo xukuumaddii nahay waxaannu idiin sheegaynaa inaannu dib-u-dhac ku iman doonin doorasho dambe, Madaxweynaha maanta joogaana ma sharraxna, maalintii aad dib-u-dhigayseen mucaaradow Madaxweyanuhu wuxuu yidhi oo qoraal lagu hayaa dib-u-dhigistu waxay igaga xannuun badan tahay xabbad-dhafoorka la igaga hayo, waayo aaminaadiisa siyaasiga ah iyo shakhsiyaddiisa toona lagama filaynin manuu doonaynin Axmed Siilaanyo nin kursi kusii waara oo doorasho dib u dhiga, waayo tartankii baabuu iska daayey, markaa maanta Madaxweynihii nin doorasho dib u dhigaya oo lugta jiidaya maaha, murrashaxa KULMIYE-na wuxuu idin leeyahay waar tii hore idiin diiday oo dib-u-dhigay oo is-raacay, tan maantana idinka yeelimaayo inaad dib u dhigtaan mucaaradow ee ku biyo-cabba.” Murrashax Muuse Biixi waxa uu ku sifeeyey xisbiga WADDANI inuu la mid yahay Hasha Geella cunta ee haddana cabaadda, waxana uu bulshada xasuusiyey doorka iyo Guddoomiyaha iyo hoggaamiyaha WADDANI ku soo lahaayeen dhacdooyinkii siyaasadeed ee dalka soo maray, isaga oo si gaar ah carrabka ugu ballaadhiyey deelqaafyadii uu hore ugu kacay Xirsi Cali Xaaji Xasan oo h ore xukuumadda uga ahaan jirey wasiir awood badan, haatan dhaliilo badan bannaanka la jooga, “Maahmaah Carbeed baa jirta oo uu macnaheedu ahaa ‘intuu i dilay buu ooyey oo uu haddana reerkii iiga dheereeyey oo uu iga ashkateeyey,’ waxaynu maqalnaa madaxda WADDANI oo tidhaahda hebel baa wax loo qabanwaayey iyo dalkii KULMIYE ayaa hagraday, waase yaabe shanti sanno ee ugu dambeeyey labada nin ee hoggaaminta WADDANI wadaaga mid waxa uu ahaa wasiirkii ugu awoodda badnaa ee dhan walba wax u toociyey ee cid walba jiidhay ee waliba taariikhda siyaasadda ummaddii shacabka ahayd ee uu wasiirka u ahaa gabay gooddi, faan hanjabaad iyo dhaadasho ah isugu daray, isagii baa maanta calaacalaya oo leh ummadda wax halloo qabto, walaalow dhibtii aad gaysatay baanu dhayeynaa, ummadduna dhaawacii aad u geysatay bay ka calaacalaysaa,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata oo uu farta ku fiiqay hagradashada dalka ee Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha WADDANI uu yidhi, “Ninka labaad ee hoggaanka la wadaagaa 13 sanno waa ninka awoodda ugu badan ee sharci-dejinta Guddoomiye ka ahaa, wax allah iyo waxa dalka xeer ka baaqday ee dib-u-dhicidda doorashadu ka mid tahay, wax allah iyo wax dadku tebayo ee sharci ah ee la isku cannaanayo waa ninka laga sugayey inuu fuliyo, indho adagaa maalin walba wuxuu leeyahay wax la xumeeyey iyo dib baa loo dhigay iyo halla i doorto.”

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu wax diinta Islaamka iyo damiirka dadku diido ku tilmaamay, isla markaana uu su’aal geliyey dhaqannada madaxda xisbiga WADDANI ee la xidhiidha sawirrada ay ku dulgalaan dadka xannuunsanaya, waxaannu yidhi, “Culimada iyo dadka damiirka bani’aadamku damqo ayaan su’aal weydiinayaa innagu cusub oo uu xisbiga WADDANI inoo curiyey, waxaan doonayaa in la iga jaahil bixiyo qof sakaraad ah oo xannuunsanaya inaan kamarad la dultago oo aan ka doono xod-xodasho siyaasadeed, booqashada dadka bukaa ma bani’aadamnimaa oo diintaa ina fartay, mise waa is tus-tus siyaasadeed oo Facebook-ga lagu baahiyo.

“Annaga taas diintu nooma oggola dadnimaduna nooma oggola, dadka buka haddaanu siyaaranayno dar Ilaahay baanu u siyaaranaynaa oo dadnimo iyo damqashaanu u siyaaranaynaa, haddaanu wax taranaynana cidi na agoonmayso, waayo diintaa sidaas na faraysa,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.