Guddoomiyaha KULMIYE oo Koobab iyo Billado ku Wareejiyey Saddex Garoon oo Tartamo ka Socdaan Hargeysa

0
412

Guddoomiyaha KULMIYE oo Koobab iyo Billado ku Wareejiyey Saddex Garoon oo Tartamo ka Socdaan Hargeysa

Hargeysa (Warsugannews)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa koobab iyo billado xisbigu ugu talogalay kooxaha ku guulaysta tartamada bisha barakaysan ee Ramadaan ku wareejiyey guddiyada saddex garoon oo ku yaal caasimadda Hargeysa.

Guddoomiyaha iyo xubno hoggaanka sare iyo saraakiil ka tirsan xisbiga oo na ay xubno ka saraakiil xisbiga oo ay wehelinayeen masuuliyiinta wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland oo wasiirku hormood u yahay, ayaa kormeer ay ku mareen qaar ka mid ah garoomada kubadda cagta ee tartannada Ramadaantu ka socdaan galabta, waxay koobab iyo billada la siinayo kooxaha kaalmaha koowaad iyo labaad ka gala tartanka ay ku wareejiyeen guddiyada garoomada kala ah; Pepsi-ga, Guryo-samo iyo waliba Maxamuud Axmed Cali, waxaanay halkaas kala kulmeen soo dhaweyn diirran oo farxad gelisay.

Masuuliyiinta xisbiga iyo wasaaradda ee uu gadhwadeenka u ahaa Guddoomiyaha KULMIYE waxay waqti la qaateen da’yartii garoomadaas ku sugnayd, iyagoo kala qaybgalay daawashada ciyaaro ka tirsan tartamada oo ka socday garoomadaas, taas oo xiiso gaar gelisay garoomada iyo madaxdaba.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi iyo xubno wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa hadallo kooban oo dhiirrigelin iyo waano isugu jira u jeediyey dhallinyaradii ay garoomada kula kulmeen, iyadoo sidoo kale guddiyadii wareegyada halkaas ka socda ee koobabka iyo biladaha lagu wareejiyey si weyn usoo dhaweeyeen deeqda ay gaadhsiiyeen.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Maxamed Xuseen Dhabbeeye, ayaa dhallinyarada xusuusiyey sida uu xisbiga KULMIYE heeganka ugu yahay wax u qabashadooda, waxaanu ku adkeeyey inay abaalkaas gudaan, isla markaana codkooda iyo cududoodaba xisbiga la garab istaagaan.

Agaasimaha waaxyda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Mr. Mustafe Nuux oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa hoosta ka xarriiqay in xukuumadda ka dhalatay xisbiga KULMIYE ku suntan tahay horumarinnta iyo dhiirrigelinta da’yarta, isagoo xusay in hore xisbigu garoomada caasimadda oo dhan ugu wareejiyey dirays iyo agab kale oo kooxaha safanaya loogu talo galay.

Xubno ka mid guddiyada saddexda garroon ee PEPSI, Maxamud Axmed Cali iyo Guryo-samo oo madasha ay koobabka iyo billadaha kula wareegeen ka hadlay, ayaa si weyn ugu madahnaqay xisbiga KULMIYE, waxaanay sheegeen inuu xisbiga maanka iyo maskaxda dhallinyarada ku culay waxqabad iyo dhiirrigelin muuqata, taasina tahay mid astaan u ah oo uu dhiggiisa kale dheer yahay.

Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi oo madasha uu ku wareejinayey agabka ka hadlay, ayaa da’yarta kula dardaarmay inay ku sifoobaan ciyaar wanaag iyo anshax suuban, isla markaana noocyada kala duwan ee belwadaha ka dheeraadan, “Dhallinyarada waxaan u rajaynayaa ciyaar hufan, dhallinyaro anshax leh oo mustaqbalkoodu iftiimo, Ilaahayna waxaan inoogu rajaynayaa horumar iyo barwaaqo innaguna aynu dalkeena aaminno. Ciyaartoydana waxaan leeyahay, haddii aad idinku garateen inaad waqtigiina ka faa’iidaysataan inay ku soo dhiirriyaan kuwa qayrkood ah ee balwadaha ku maqan oo aad ciyaaraha keentay, waayo jidhkii caafimaad qaba ayuu caqliga caafimaadka qabaa ku jiraa, ciyaarahana waa la isku jeclaadaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Gebogebadii Guddoomiyuhu waxa uu guddiyada saddexda garoon ee weftigu mareen guddoonsiiyey min laba koob oo loogu talogalay in la kala siiyo kooxaha kaalmaha koowaad iyo labaad kala gala iyo waliba tiro billado ah oo ciyaartoyda loo qoondeeyey, waxaanna masuuliyiinta lagu sagootiyey sacab iyo saxawan soo jiidasho leh oo lagaga mahadnaqay deeqda ay halkaas gaadhsiiyeen.

qaybta koobabka_001

qaybta koobabka_002

qaybta koobabka_003

qaybta koobabka_004

qaybta koobabka_005

qaybta koobabka_006

qaybta koobabka_007

qaybta koobabka_008

qaybta koobabka_009

qaybta koobabka_010

qaybta koobabka_011

qaybta koobabka_012

qaybta koobabka_013

qaybta koobabka_014

qaybta koobabka_015

qaybta koobabka_016

qaybta koobabka_017

qaybta koobabka_018

qaybta koobabka_019