Guddoomiyaha KULMIYE oo Noqday Masuulkii ugu Sarreeyey Somaliland ee u Hoyda degmada Taleex

0
383
????????????????????????????????????

Guddoomiyaha KULMIYE oo Noqday Masuulkii ugu Sarreeyey Somaliland ee u Hoyda degmada Taleex

Taleex (WSN)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa noqday masuulkii ugu sarreeyey ee Somaliland ee hoggaamiye xisbi iyo murrashax Madasxweyne ah oo booqasho ku taga, una hoyda degmada Taleex ee Gobolka Xaysimo oo qiyaastii ilaa 160KM dhanka bariga kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi oo maalmihii u dambeeyeyba socdaal la xidhiidha gurmadka xaaladda abaarta ku marayey Gobollada bariga, ayaa gaadhay maanta Gobolka Xaysimo, gaar ahaan xaruntiisa oo ah magaalada taariikhda wayn leh ee Taleex, waxaanna Guddoomiyaha iyo weftigiisa halkaasi ku soo dhaweeyey dadweynaha ku dhaqan magaalada, odayaasha dhaqanka iyo maaamulka heer gobol iyo degmo.

Weftiga oo soo dhawayn kadib loo galbiyey goobta loo yaqaanno Bardaha Taleex oo xaflad ballaadhan loogu qabtay, halkaas oo Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa, isla markaana waxa uu si ballaadhan uga sheekeeyey taariikhda facawayn ee magaalada Taleex iyo goobaha ay caanka ku tahay ee ay ka mid tahay xaruntii Daraawiishta oo ay ku yaalaan qalcadihii uu ka dhisay Sayid Maxamed Cabdalle Xasan waqtigii uu la dagaallamayey Boqortooyadii Ingiriiska sannadihii kun iyo sagaal boqol iyo labaataneeyadii 1920s oo qaybo ka mid ahi weli sii taagan yihiin.
Guddoomiyaha iyo weftigiisu kadib warbixinno ay ka dhegaysteen madaxdhaqameedka iyo waxgaradka Gobolka Xaysimo iyo degmada Taleex xaaladda abaartu marayso waxay ku wareejiyeen Guddiga Abaaraha ee gobolka taakulo lacageed, kun kiish oo raashin ah iyo boqol booyadood oo biyo ah.

Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir, Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), Wasiirka Biyaha Xuseen Cabdi Boos, Wasiirka Waxbarashada Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi Dheere) iyo masuuliyiin kale, waxay u hoydeen caawa magaalada Taleex, taas oo taariikh aanay jirin cid uga horraysay oo Somaliland ahi, waxaanay berri halkaasi ka sii bilaabi doonaan hawlahooda shaqo.