Guddoomiyaha xisbal-xaakimka ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md Muuse Biixi Cabdi wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland

0
530

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md Muuse Biixi Cabdi wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland

Ujeeddo: Tacsi-Date: 16/01/2016

Hargeysa(Warsugannews)Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo xubnaha kale ee hoggaanka xisbiga oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbigu waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland geerida ku timi Mujaahid Maxamed Axmed Sayidi oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta (16/01/2016).

Mujaahid Maxamed Axmed Sayidi waxa uu ka mid ahaa aqoonyahankii halgamayaasha waawayn ahaa ee ururkii SNM, uguna hor tallaabay, kaas oo dhallinyaradnimadiisii caan ku ahaa kubadda cagta, isla markaana markii Somaliland madaxbannaanideeda la soo noqotay ka mid noqday Golihii Wakiillada ee ugu horreeyey Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudane Muuse Biixi iyo masuuliyiinta KULMIYE waxay ku tilmaameen marxuumka mujaahid wayn oo door wayn ka soo qaatay halgankii dib-u-xoraynta Somaliland iyo dib-u-heshiisiintii iyo nabadayntii dalka, waxaanay Alle uga baryeen inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, asxaabta, iyo guud ahaan shacabkana inuu samir iyo iimaan innaga siiyo Marxuumka.

Aamiin…. Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE