Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md Muuse Biixi ayaa tacsi u diray Qoyskii ay ka baxday Marxuumad Foosiya Jaamac Axmed (Qalqaali)

0
318

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md Muuse Biixi ayaa tacsi u diray Qoyskii ay ka baxday Marxuumad Foosiya Jaamac Axmed (Qalqaali)

Hargeysa(Warsugannews)Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye-ku-xigeenka ee xisbiga Md. Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad Md. Axmed Cabdi Dheere, Xoghayaha Guud ee xisbiga Xasan Siciid Yuusuf, Afhayeenka xisbiga Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) iyo Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee KULMIYE Marwo Canab Cumar Ileeye oo ka wakiil ah haya’adaha kale ee xisbiga ee Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo shacabka Somaliland geerida ku timi Guddoomiyihii Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ee degmada 26-ka June ee Gobolka Maroodi-jeex Marxuumad Foosiya Jaamac Axmed (Qalqaali) oo ku geeriyootay magaalada Hargeysa xalay oo taarikhdu tahay 24/06/2016.

Marxuumad Foosiya Jaamac Qalqaali waxay ka mid ahayd haweenka doorka muhiimka ah ee aan la hilmaami karin ka soo qaatay hawlaha horumarinta bulshada dalka, gaar ahaan degaannada magaalada Hargeysa, iyadoo xilligana ahayd Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ee degmada 26-ka June caasimadda Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex.
Masuuliyiinta xisbigu waxay ku tilmaameen Marxuumadda inay ahayd qof wanaagsan oo karti iyo dadaal badan, isla markaana ahayd tiir culus oo xisbiga ka baxay.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha iyo madaxda kale waxay Alle uga baryayaan Marxuumada inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabka ay ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE