Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna murrashaxa madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi u diray Eheladii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuum Dr. Maxamed Ibraahim Maxamed (Ina Afyare)

0
547

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE-31 December 2016-TACSI GUDDOOMIYE
Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha madaxda iyo saraakiisha ku wehelinaya wefti uu hoggaaminayo oo ku sugan Gobolka Sool, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo masuuliyiin kale ee xisbiga, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Dr. Maxamed Ibraahim Maxamed (Ina Afyare) oo ku geeriyooday, laguna aasay magaalada Sheekh ee Gobolka Saaxil (31 Dec. 2016).

Marxuum Maxamed Ibraahim Maxamed (Ina Afyare) waxa uu ka mid ahaa dhakhaatiirtii ciidammada millatariga ee xilligii dawladdii Soomaaliya, waxa kaloo uu ahaa qurba-jooggii doorka wayn ka qaatay halgankii iyo dib-u-dhiskii dawladnimada iyo nabadaynta dalka Somaliland. Waxaanay hoggaanka KULMIYE tacsidaasi u dirayaan dhammaan qoysaska reer Ilbir.

Guddoomiyaha iyo madaxda kaleba waxay Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, bahda waxbarashada iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE