Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Qoyskii iyo Shaqaalaha Warfaafinta ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Rashiid Balluu Ibraahim

0
627

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Qoyskii iyo Shaqaalaha Warfaafinta ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Rashiid Balluu Ibraahim

Hargeysa(WSN)TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Horumarka jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabadda, ehellada, bahda Fanka iyo suugaanta, hawl-wadeennada iyo shaqaale-weynaha Wasaaradda Warfaafinta iyo guud ahaan Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Rashiid Bullo Ibraahim oo ku geeriyooday Caasimadda Hargeysa niskii dambe ee xalay oo taariikhdu ahayd (28 April 2017).

Alle ha u naxariistee Marxuum Rashiid Bullo Ibraahim waxa uu ahaa tiir-dhexaad ka baxay qaranka Somaliland iyo guud ahaan ummadda Afka Soomaaliga ku hadasha, waxa uu muddo ka badan nus-qarni ku dhex jiray bahda fanka, suugaanta iyo warbaahinta, isagoo ahaa abwaan, mullaxan, heesaa iyo tumidda muusiga. Waxa kaloo uu ka mid ahaa halgamayaashii xaqu-dirirka ee af iyo addinba aan waxba kala hadhin dib-u-xorayntii waddanka Somaliland, sidoo kalena waxa uu door muuqda kaga jiray dib-u-dhiskii dawladnimada iyo nabadayntii Somaliland, waxa uu ka mid ahaa tiirarka shaqo iyo kaydka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, isagoo ka mid ahaa dadkii lagu bilaabay aasaaskii idaacaddii Radio Hargeysa. Marxuumku waxauu ahaa addoon wanaagsan oo cibaado badan, dadka xidhiidhiya oo furfuran, isla markaana jeclaa horumarka iyo wax-wadaqabsiga bulshada. Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryay innuu janaddiisa fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, bahda fanka iyo Shacabka Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo. Aaaamiiiiin………Aaaamiiiiin…….Aaamiiin.
Xafiiska Warbaahinta Xisbiga KULMIYE