Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi Qoyskii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Saleebaan Jaamac Siciid (Saleebaan Mijir)

0
318

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE

29 December 2016
TACSI GUDDOOMIYE
Hargeysa(WSN)Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha madaxda iyo saraakiisha ku wehelinaya wefti uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Saleebaan Jaamac Siciid (Saleebaan Mijir) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Marxuum Saleebaan Jaamac Siciid waxa uu ka mid ahaa oday-dhaqameedka caanka ah ee Somaliland ee kaalinta wayn ka soo qaatay hawlihii nabadaynta beelaha Somaliland, kana qaybgalay halgankii dib-u-xoraynta dalka. Waxaannu Guddoomiyuhu ku tilmaamay Marxuumka inuu ahaa tiir muhiim ah oo ka baxay shacabka iyo dalkaba.

Guddoomiyaha iyo madaxda wehelinaysaa waxay Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, bahda waxbarashada iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE