Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka geerida ku timi Marxuum Maxamed Cabdulqaadir Cabdiraxmaan

0
284

TACSI
Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka geerida ku timi Marxuum Maxamed Cabdulqaadir Cabdiraxmaan oo ku geeriyooday magaalada Adhi-caddeeye ee Gobolka Sool maanta oo Khamiis ah 15/09/2016.
Marxuum Maxamed Cabdulqaadir Cabdiraxmaan oo ahaa Guddoomiyihii hore ee degmada Adhi-caddeeye ee Gobolka Sool, isla markaana ka mid ahaa masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee degmadaasi, waxa uu ahaa masuul dadaal badan ku bixiya horumarin ay gaadhaan dadkiisa iyo dalkiisu. Geerida Marxuumka waxa uu Guddoomiyaha KULMIYE si gaar ah uga tacsiyadaynayaa Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Beeraha, kana mid ah Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiwaaxid Cabdulqaadir Cabdiraxmaan oo uu walaalkii ahaa Marxuumku.
Guddoomiyaha xisbigu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuum Maxamed Cabdulqaadir Cabdiraxmaan inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.
Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE