Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo Dawladda Itoobiya iyo Shacabkeeda ugu Hambalyeeyey Xuska Sannad Guurada 25aad ee 20 Gimbood

0
487

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo Dawladda Itoobiya iyo Shacabkeeda ugu Hambalyeeyey Xuska Sannad Guurada 25aad ee 20 Gimbood

Hargeysa(Warsugannews)Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya afkiisa, ka xildhibbaanada, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxa uu hambalyo iyo boggaadin uu u dirayaa shacabka iyo dawladda aynu walaalaha nahay ee dalka Itoobiya, isaga oo ku hambalyeynaya xuska 20 Gimbood oo ah 25-guurada ka soo wareegtay wakhtigii talada dalka Itoobiya laga tuuray xukunkii kaligii taliska ahaa ee gacanta ku hayey talada dalkaas Itoobiya.

Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sida oo kale uu hambalyo gaadhsiinayaa raysal wasaaraha dalkaas Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn, madaxweyneyaasha dawlad deegaanada dalkaasi iyo weliba sida oo kale safiirka dawladda Itoobiya u fadhiya jamhuuriyadda Somaliland General Berha Tesfaye, isaga oo maalintan 20 Ginbood ku tilmaamay in ay tahay maalin ku suntan taariikhda dalka Itoobiya, isaga oo shacabka iyo dawladda Itoobiyaba ku boggaadiyey horumarka ballaadhan ee ay ku tallaabsadeen muddadaas 25ka sanno ahayd isla mar ahaantaana ay horumaro ka sameeyeen dhinacyada waxbarashada, wax-soo saarka, caafimaadka, kobaca dhaqaalaha iyo maalgashiga iyo weliba sida oo kalena xidhiidhada diblomaasiyaddeed iyo saaxiibtinimo ee ay la lee yihiin dalalka jaarka la ah iyo kuwa Afrikaba.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Cirro, waxa ugu dambeyntii uu dawladda iyo shacabka dalka Itoobiya uu u rajeynayaa in ay sannadka sannadkiisa ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo isla mar ahaantaana ay sii laban laabaan dedaalkooda horumarineed, isaga oo farta ku fiiqay in mar walba ay dawladda Somaliland iyo ka shacab ahaanba ay aad u jecel yihiin una rajeynayaan in ay walaalahooda dalka Itoobiya ay kula noolaadaan jaar wanaag iyo xidhiidho fiican oo dhex mar labada dhinacba, waxaana uu mar kale ku ammaanay dawladda Itoobiya sida ay saaxiib dhow ugu tahay Somaliland, iskana kaashan doonaan dhinacyada horumarka iyo nabad-gelyada labada wadan.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI

Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro)

Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI

Hargeysa/Somaliland