Guddoomiye Cirro Oo Dhammbaal Tacsi Ah U Diray Marxuum Abwaan Cali Sugule‏

0
466

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, isagoo ku haddlaya magiciisa, ka shir-Guddoonka golaha Wakiilada Somaliland,ka Xisbiga WADDANI iyo Taageerayaasha Xisbiga WADDANI, waxa uu dhambaal Tacsi ah u dirayaa shacab weynaha reer Somaliland , gaar ahaan Abwaannada, Fannaaniinta , Qoyskii ,Eheladii Qaraabadii,iyo asxaabtii uu ka baxay, isagoo ka tacsiyadeynaya Geeridii naxdinta lahayd ee ku Timi Marxuum Abwaan Cali Sugul (Dun-carbeed) oo ku geeriyooday maanta dalka isu-taga Imaaraadka Carabta taariikhda 11.1.2016

Guddoomiyu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey tiir dhexeed ka baxay bahda Fanka Iyo suugaanta,isagoo xusay guddoomiye Cirro inuu Marxuum Cali Sugule ka mid ahaa raggii dhidibada u taagay Fanka Soomaaliyeed, Waxaana uu ka mid ahaa raggii la dagaalamay gumeysigii Ingiriiska.

Guddoomiye Cirro waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatul-Fardawza uu ka waraabiyo,Abwaanada, Fanaaniinta, Qoyskii ,Eheladii ,Qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Aaamiin….Aaamiin…Aaamiin IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN