Guddoomiye Cirro Oo Sheegay In Aanu Madaxweyne Siilaanyo Doorran Una Codaynin‏

0
406

Guddoomiye Cirro Oo Sheegay In Aanu Madaxweyne Siilaanyo Doorran Una Codaynin‏

Hargeysa-(WARSUGANNEWS)-Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (CIRRO) ayaa maanta dalka dib ugu soo guryo-noqday, kadib markii uu soo gunaanaday safarro uu ku marayey qaar kamid ah dalalka qaaradda Yurub.

Guddoomiye CIRRO ayaa abbaaro 10:30-kii ka soo degay Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa,waxaana soo dhaweyey Xildhibaanno,Garabada dhallinayarada iyo Haweenka ee xisbiga WADDANI ,mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan xisbiga WADDANI Iyo dadweyne aad u tiro badan,waxaana ay siteen astaanta gaarka u ah xisbiga WADDANI iyo calanka qaranka somaliland

Md.Cabdiraxmaan Cirro oo kula hadlayey warfidiyeenada qolka VIP-da ee nasashada garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport ayaa ka warbixiyey socdaallo uu ku marayey qaar ka mid wadamada qaaradda Yurub “Waxaa farxad weyn ii ah inaan ku soo nabad noqdo dalkii,Safar gaaban ayaan ugu baxay dibedda oo ahaa saddex wujeedo midi wuxuu ahaa arrimaha Somaliland inaanu kala hadalno beesha caalamka intii aanu soo marney oo ay ka mid ahayd xarunta EU-da ama baarlamaanka Yurub oo aanu kala hadalney in xafiiskii ay Hargeysa kulahaan jireen ee muddada dheer jirey in sidiisii loo daayo waad ka warqabteen in hoos loo dhimey”Ayuu yidhi Guddoomiye CIRRO.

Dhinaca kale Guddoomiye CIRRO ayaa ka dhawaajiyey waxyaabaha kale ee ay ka wada hadleen madaxdii iyo mas’uuliyiintii ay la kulmeen “Waxaa kale oo aanu kala hadlaney arrimaha Somaliland khuseeya hadday tahay ictiraaf iyo hadday tahay xukuumadba” Ayuu yidhi Guddoomiye CIRRO.

Sidoo kale Guddoomiye CIRRO ayaa ka hadlay oo sharraxaad ka bixiyey inay la kulmeen labada aqal ee ugu waaweyn boqortooyada Ingiriiska,isaga oo arrimahaas sharaxayana waxaa uu yidhi”Waxaa kale oo aanu la kulanney labada aqal ee dawladda Ingiriiska House Of Lords, House of Comments,Arrimaha dibedda iyo ururo kaleba,guud ahaan waxaanu kala hadleyney arrimaha Somalialnd” Ayuu yidhi Guddoomiye CIRRO.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (CIRRO) ayaa sheegay inay safarkooga qayb ka mid ku soo bandhigeen barnaamijka xisbiga WADDANI”Arrinta labaadna waxay ahayd inaanu soo bandhigno barnaamij siyaasadeedka xisbiga aanu taageerayaasha iyo shacabka reer Somaliland u soo bandhigno iyo beesha caalamka intaba” Ayuu yidhi Guddoomiye CIRRO.

Wuxuu untaasi ku daray”Ta saddexaadna waxay ahayd inaanu soo kormeerno laamaha xisbiga oo aanu lakulanno jaaliyada Somaliland ee halkaa jooga”
Guddoomiye CIRRO ayaa niyad wanaagsan ka muujiyey safarkaa uu ku tagay qaar ka mid ah wadamada Yurub “Arrimhaaasi si wanaagsan ayey noogu soo qabsoomeen,waxaan ku soo noqday dalkii si nabad ah waanad mahadsan tihiin” Ayuu yidhi Guddoomiye CIRRO.
Mar ay warfidiyeenadu wax ka weydiiyeen Guddoomiye CIRRO sida loo fasiran karo hadal uu ka jeediyey xaflad bariga London ka dhacday oo uu kala qayb galay taageerayaal badan oo WADDANI ah,hadalkaasi oo ahaa inay isaga iyo jaaliyadda ka soo jeeda magaalada Burco ay kaddanbeeyeen guusha madaxweyne Siilaanyo ayaa Guddoomiye CIRRO waxaa uu yidhi “Anigu shan doorasho ayaan joogay Somaliland Afar UCID baan u codeeyey midna WADDANI,waxa aan ula jeeday taa waxay ahayd,waad ka warqabteen baarlamaanku wuxuu ahaa mucaarad iskaashaday iyo UCID,waxaan is-leeyahay baarlamaanku door ayuu ka qaatay in doorashooyinkaa dib loo dhigin,waxaan is-leeyahay mucaaridaddaa baarlamaanka aan hoggaaminayey,waxay sabab u ahayd in Siilaanyo soo baxo iyo xisbigiisu,Anigu guddoomiyena kamaan ahayn,umana codeynin mana dooran” Ayuu yidhi Guddoomiye CIRRO.

Sidoo kale mar ay warfidiyeenadu wax ka weydiiyeen Guddoomiye CIRRO inay wax ka jiraan in wada hadal uula furay garabka is-bahaysiga is-beddel doonka ee garabka KULMIYE ayaa waxaa uu yidhi “Arrintaasi waa mala-awwaal odoyaashaasi wali KULMIYE ayey ka tirsan yihiin mas’uuliyiintaa waaweyn ee xisbiga iyo xukuumaddaba ka tirsanaan jirey horena waanu isu arki jireny,waanan is-aragnaa,laakiin go’aan ay ku qaateen inay xisbi kale galaan wali ma jiro,laakiin waxaanu diyaar u nahay inaanu lahadalno haddii Illaahay ka dhigo”Ayuu hadalkiisa ku soo gunaanday Guddoomiye CIRRO.