Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi Oo Tacsi U diray Ehelkii iyo Qoyskii uu ka Maxay Marxuum Xaashi Ismaaciil Aadan oo Hargeysa ku Geeriyooday

0
511
????????????????????????????????????

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE
04 February 2017
TACSI GUDDOOMIYE
 
Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah hay’adaha Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Xaashi Ismaaciil Aadan oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta oo taariikhdu tahay 04/02/2017.

Marxuum Xaashi Ismaaciil Aadan waxa uu ahaa addoon wanaagsan oo ku suntan samo-falka iyo jacaylka waddaniyadda dalkiisa hooyo, waxa uu ka mid ahaa dhallinyaradii taageerada ballaadhan ka gaystay halgankii dib-u-xorayntii waddanka ee xilligaa ku noolayd qurbaha, gaar ahaan Maraykanka, waxa kaloo uu dadaal badan ku bixiyey hano-qaadka iyo guulihii uu soo hooyey xisbiga KULMIYE oo uu muddo dheer xubin ka ahaa.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaan inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkaba Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE