Guddoomiye Muuse Biixi oo Jawaab ka Bixiyey Diidmada Beesha Caalamka ee Kala Qaadista Doorashooyinka Somaliland

0
454

Guddoomiye Muuse Biixi oo Jawaab ka Bixiyey Diidmada Beesha Caalamka ee Kala Qaadista Doorashooyinka Somaliland
“Caalamka Waxaannu leenahay talada iyo tusaalaha waanu dhegaysannaa, go’aankana Somaliland baa leh oo kolba madaxweynaha la doorto iyo golayaashaa leh”
Hargeysa (WSN)- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa jawaab waafi ah ka bixiyey baaqii beesha caalamku ka soo saartay go’aankii Madaxweynaha Somaliland ku kala qaaday labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo markii u horrey u qorshaysnaa bisha March 2017, balse cabashooyinka saami-qaybsiga dartii uu Madaxweynuhu dib u riixay ta Golaha Wakiillada.
Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaah KULMIYE Md. Muuse Biixi oo hadal ka jeediyey maanta xaflad xisbigu ku soo dhaweeyey siyaasiyiin cusub oo ku biiray, waxa uu kaga hadlay baaqa beesha caalamku ku diideen go’aanka Madaxweynaha, waxaannu sheegay in xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisaba ay ka go’an tahay inay iskaashi wanaagsan la yeeshaan dunida, gaar ahaan dalalka innaga taageera arrimaha dimuqraadiyadda.
“Xisbi ahaan aad iyo aad baanu ugu mahadnaqaynaa dawladaha inaga caawiya doorashooyinka, dhaqaale ahaan iyo talo ahaan wixii ay nagu caawinayaan, caalamkuna ma kala marmee waxaannu xukuumad iyo xisbiba diyaar ula nahay caalamka inaanu xidhiidh wanaagsan oo is-kaashi ah la yeelanno oo la shaqaynno,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Haseyeeshee, Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu hoosta ka xarriiqay in go’aan-ka-gaadhista arrimaha masiirka ummadda ay wakiil ka yihiin madaxweynaha iyo golayaasha qaranku, waxana uu beesha caalamka ugu baaqay inay hoos u dhigaan wararka ka dhanka ah go’aanka uu madaxweynuhu labada doorasho ku kala qaaday, waxaannu yidhi, “Caalamka waxaannu u sheegaynaa xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa waxa ay umaddu u dooratay in ummadda go’aankeeda aanay cidina u yeedhin karin, cidna aanay ka dhegaysan karin, erayga ay deeq-bixiyayaashu soo qoreen ee ay leeyihiin ka noqda kala-saarista doorashoooyinka, waxaannu leenahay eraygaasi nama qabto, waxaannu nahay dal yar oo aan dhaqaale haysan oo curdin ah oo dhibaatooyin ka soo baxay, laakiin nin kasta oo xoog weyn iyo nin kasta oo dhaqaale leh waxa aannu u sheegaynaa inaan taladayada cidina noo yeedhin, cidina noo sheegine aannu qab-weynahay oo aanaan cidna amar ka qaadan. Waxaanu leenahay talada iyo tusaalaha waanu dhegaysannaa, go’aankana Somaliland baa leh oo kolba Madaxweynaha la doortay iyo Golayaashaa leh.”
Hadalka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka dambeeyey baaq qoraal ah oo dawladda Ingiriiska oo ka wakiil ah beesha caalamka ee taageera dimuqraadiyadda Somaliland ka soo saareen Jimcihii kadib go’aankii Madaxweynuhu ku kala qaaday labada doorasho.