Guddoomiye Saleebaan oo ka Hadlay Arrimaha Doorashooyinka iyo Waxyeelada ka Dhalatay Roobabkii Dalka ka Da’ay

0
271

 Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, oo saaka soo booqday hannaanka habsami u socodka shaqada ay guddida joogtada ah ee golaha guurtidu golahaasi u hayaan mudada golahaasi fasaxa ku maqan yahay.

Waxaanu guddoomiyuhu ku booriyay mudanayaasha guddida joogtada ah ee golahaasi sida fiican ay ugudanayaan hawlaha golahaasi ay u hayaan mudada golahaasi fasaxa yahay.

Waxaa kale oo guddoomiye Saleebaan ka hadlay roobabkii dhawaan dalka ka da’ay, oo sheegay in xilli abaar xuni dalka ka Jirtay uu ILLAAHEY raxmaadkiisa umadda u shubay, isaga oo hoosta ka xariiqay dhibta ay dadka hareeraha dooxooyinka degan ka soo gaadhay, waxaanu guddida joogtada ah ee golahaasi ka codsaday in ay soo kormeeraan goobaha uu khasaaraha ka geystay ee gudaha caasimada.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka is barkan ee dhawaan ka qabsoomi doona guud ahaan dalka, waxaanu bulshada ugu baaqay in si nabadgelyo ah loogu dareero goobaha codbixinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here