Guddoomiye Saleebaan Oo Ka Hadlay Doorashadii Dalka Ka Qabsoontay, Xildhibaannada Golaha Guurtidana Ku War-geliyay Inay Doorasho Isku Diyaariyaan

0
291

Guddoomiyaha golaha guurtidda Somaliland, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa guul Qaran ku tilmaamay doorashadii dalka ka qabsoontay ee golayaasha wakiillada iyo degaanka.

Sidoo kale waxaa uu mudanayaasha ku wargeliyay mar haddii golihii kale doorasho galay in ay iyaguna, doorasho isu diyaariyaan.

Dhanka kale waxa uu xusay in aanay asxaabta saddexda xisbi Qaran aanay isku khilaafin doorashadii dalka ka dhacday.

Waxaa kale oo uu ciidamada Qaranka ku boggaadiyay sidii ay  sugista ammniga iyo doorashada qaybta libaax leh uga qaateen.

Waxaanu murashaxiinta iyo bulshaweynta reer Somalilandba ugu baaqay inay iimaansadaan go’aanka guud ee guddida doorashooyinku ay soo saaran ee la xidhiidha guusha doorashada.

Waxaanu guddoomiye Saleebaan sidan ka sheegay furitaankii kalfadhiga 75-aad oo uu saaka furay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here