Gudoomiyaha ahna Murashaxa Xisbiga Kulmiye oo tacsi u diray Ehelkii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Sh Xasan Nuuriye

0
362
????????????????????????????????????

Xisbiga Midnimada iyo Horumarka JSL (KULMIYE)

25 Oct. 2016

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye oo ku geeriyooday magaalada Boorama maanta oo taariikhdu tahay 25/10/2016.

Marxuum Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye waxa uu ahaa aqoonyahan kaalin wayn kaga jiray dalka, kana soo qaybqaatay dadaalladii horumarinta waddanka, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii soo maray dalka oo uu u dambeeyey Safiirkii Somaliland u fadhiyey Itoobiya sannado ka hor.

Guddoomiyaha xisbigu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE