Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Oo Umadda Islaamka Ugu Hanbalyeeyey Munaasibada Sannadka Cusub ee Islaamka

0
432

Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Oo Umadda Islaamka Ugu Hanbalyeeyey Munaasibada Sannadka Cusub ee Islaamka

Hargeysa(WSN)Gudoomiyaha Jimciyada Waxbarashada,Diinta iyo Qaban Qaabinta Xusaska iyo Xafladaha Diinta Sayid Maxamed Sayid Cabdilaahi X.Cilmi ayaa waxaa uu uu Hanbalyo Bogaadin u dirayaa Guud ahaanba umada islaamka meel kasta oo ay Daafaha Caalamka ka joogaan gaar ahaana Shacabka reer Somaliland isagoo ugu Hanbalyey Munaasibada Sannadka Cusub ee Islaamka 1438 (Hijiriyada) awgeed

Gudoomiyahu waxaa uu ilaahay ka rajeeeyey in in ilaahay Sanadkan Sanadkiisa ingu gaadhsiiyo Caafimaad Bash Bash iyo Barwaaqo iyo Cibaado Suuban

Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Maxamed Sayid Cabdilaahi X.Cilmi waxaa uu sido kale uu Bulshada reer Somaliland u soo jeediyey in ay u diyaar garoobaan Xuska Dhalashada Rasuulka(NNKH)oo iyana fooda inagu soo haysa isgoo Umada Muslimiinta ah siiba Dadweynaha reer Somaliland ku adkeeyey in ay si Mugleh ugu diyaar garoobaan taasi oo ka qiimo badan sida loo xuso Munaasibadaha kale ee dalka laga Xuso sida 18 may oo kale,Taasi oo uu tilmamay in umaddu ay waajib ku tahay weynaynta dhalashada Rasuulku (SCW)isla markaana umadu ka faaiidaysato khayr iyo Barakada faraha badan ee laga helaayo Maalintaasi qiimaha leh.

Xafiiska Warfaafinta Jimciyatul Axbaab

haayatulaxbaab@gmail.com

Hargeysa/Somaliland