Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan Wasiirada Maaliyada, iyo Madaxtooyada oo maanta Cusbitaalka Guud ku booqday Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale

0
385

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan Wasiirada Maaliyada, iyo Madaxtooyada oo maanta Cusbitaalka Guud ku booqday Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale.

Hargeysa(Warsugannews) Maanta oo isniin ah taariikhduna tahay 27/06/2016 waxa Cusbitaalka Guud ee Hargeysa booqasho ku tegay Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyeen Wasiir Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.
Gudoomiyaha iyo labada wasiir markii ay gaadheen qolka Room 3 oo uu ku sugan yahay Mujaahid Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) oo maalmahan xaalad caafimaad u jiifay dhakhtarka weyn, ayaa bariido ka dib waxay la qaateen wakhti kooban oo ay mujaahid ka xaaladiisa ugu kuurgaleen kana waraysteen sida uu hadda yahay caafimaad ahaan mujaahidku.
Mujaahid boobe oo xaaladiisa caafimaad maalinba maalinta ka sii danbaysa ay ka soo raynayso, waxay gudoomiyaha iyo labada wasiir Alle uga baryeen inuu ka dulqaado Xanuunka oo uu caafimaad degdeg ah siiyo. Amiin Amiin Amiin.

Hambalyada Guddoomiyaha KULMIYE ee xornimada Jabuuti