telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka 3-aad ee Xisbiga KULMIYE Oo Miisaan Culus Ku Leh Gobolada Sool iyo Xaysimo

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka 3-aad ee Xisbiga KULMIYE Oo Miisaan Culus Ku Leh Gobolada Sool iyo Xaysimo

January 15, 2017

Ku: Xuseen Aadan Cadde =Hargeysa =

Og: Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE =Hargeysa =
Og: Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE =Hargeysa =
Og: Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud =Hargeysa =

Ujeeddo: Magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka 3-aad ee Xisbiga KULMIYE

Kadib markaan arkay xilka Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee xisbiga KULMIYE ee bannaannaaday ansixintii Shirweynihii 3-aad ee xisbiga KULMIYE kadib.

Kadib markii aan la tashi la sameeyey xubnaha Hoggaanka xisbiga iyo cidda kale ee ay khusayso.

Kadib markaan arkay muhiimadda buuxinta xilka Guddoomiye-ku-xigeenimo ee bannaani u leedahay waqti xaadirkan habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, waxa loo magacaabay:

– In Xuseen Aadan Cadde – Laga bilaabo maanta, January 15th, 2017, uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad (3-aad) ee xisbiga KULMIYE.

Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Mudane Xuseen Aadan Cadde ku asturo xilka iyo masuuliyadda culayskeeda leh ee uu u qaaday dhammaan bah-weynta xisbiga KULMIYE.

NB: Magacaabista xilka Guddoomiye-ku-xigeenimo ee kor ku xusan waxa ay dhaqangali doontaa ansixinta shirka Golaha Dhexe ee ugu horeeya kadib. Xil gudasho wacan.


ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

______________________________________________
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE
Email: kulmiyepartychairman@gmail.com
Telephone: +25263 4026659, +25263 4093555,
Sha’ab Area, Hargeisa, Somaliland Republic.

508 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins