Gudoomiye Ciro Oo Dalka Ku Soo Laabtey Kana Hadley Murankii Golaha Wakiilada, Xukuumadana Ugu Baaqey In Ay Culeyska Ka Qaado Magaalada Berbera

0
437

Hargeysa(Warsugannews):- Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland isla markaana ah Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey ka dib markii uu maalmihii u danbeeyey safar ugu maqanaa Dalka Imaaraadka Carabta

Gudoomiyaha ayaa waxaa madaarka caasimada Hargeysa si diiran ugu soo dhaweeyey masuulyiinta xisbiga wadani iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada somaliland Salaan gacan qaad ah ka dib gudoomiyaha oo warbaahinta kula Hadley qolka nasashada ee madaarka ayaa waxaa uu ugu horeyn ka hadlay ujeedka safarkii uu ugu maqanaa magaalada Dubia waxaana uu yidhi ” Maalmihii u danbeeyey waxaan safar ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta Safarkaasi oo ahaa mid shaqo , fasax iyo caafimaadba waxaanan ku faraxsanahay in aad dalkeygii si nabad ah aan ugu soo laabto .

Shacbi ahaan waxaa aynu jecelnahay Qarimada dawlad nimadeena iyo nabadeena xukuumada somaliland waxaan ugu baqayaa cidii ay xidhay in ay xabsiga ka sii deyso hadii ay noqto madax dhaqameed wariyayaal iyo hadii ay yahiin shacbi kale Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxaa uu ka Hadley halkii uu ku danbeeyey murankii golaha wakiiladu waxaana uu sheegay in ay dhameysanayaan waxii khilaaf ah ee soo kala dhex galay isla markaana aan loo baahnen cid dheeraad ah oo soo kala dhex gasha waxaana uu yidhi “ Waxaan shacbiga rer Somaliland Sidii Aan hore uga Raali galiyey aan iminkana ka raali galinayaa arintii yareed eea golaha ka dhacdey maadaama oo aan odeygii golaha waxaanan idiin sheegayaa uun in hawshaasi ay tahay hawl uu golahu dhameysanaayo aniga iyo gudoomiye ku xigeenka koowaadna hawshaas anaga ayaa dhameysaneyna gudoomiye ku xigeenkeygana wax dhib ah oo aan u hayaa ma jirto waan saamaxey waxii kale ee dhimana anaga ayaa dhameysaneyna cid aanu u baahanahay in ay hawashaas soo faro galisaana ma jirto “ Ayuu yidhi

Ugu danbeyntii gudoomiye Ciro ayaa waxaa uu xukuumada somaliland ugu baaqeyn in ay culeyska ka qaado magaalada Berbera oo uu sheegay in ay xukuumada saartey culeys aanay qaadi Karin waxana uu yidhi “ waxaad mooda in ay xukuumadu si gaar ah ay culeys aanay qaadi Karin saareyso magaalada berbera mana ah in magaalada berbera la saaro culeys aanay qaadi Karin , lakin culeyskaasi waa mid ka jira dalka oo dhan “ ayuu gudoomiye Ciro Hadalkiisi Ku Soo Gabo Gabeeyey .

10371939_725280114244315_3296922888910401342_n

11218952_725280177577642_6642061140337074632_n

11223797_725280100910983_2404800995592743525_n

12009819_725280104244316_3813914238541629708_n

12031987_725279980910995_4411909488529038156_n

12032025_725280174244309_2933148496951689105_n

12033006_725280007577659_4595796819313565379_n

12036655_725279957577664_9053519000010116276_n

12036747_725280090910984_6719451777215722774_n

12047181_725280030910990_4033080186505556573_n

12065727_725280050910988_5007790058913190996_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here