Gudoomiye Cirro oo gaadhay burco dadka magaaladana la hadlay

0
281

Akhri Khudbaddii Guddoomiye Cirro u Jeediyey Shacabka Gobalka Togdheer

Burco(Warsugannews):-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa khudbad u jeediyey boqolaal ka mid taageerayaasha xisbiga WADDANI ee gobalka Togdheer oo duleedka degmada Qoyta ee magaalada Burco kaga horyimi wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayey isla mar ahaantaana ugu soo dhaweeyey si meeqaamsaysa.

Guddoomiyaha oo shacabka Togdheer la hadlaayey, ayaa waxa uu yidhi:“Dhammaan shacbi weynaha isu dhan ee magaalada Burco iyo degmada Qoyta-ba aad iyo aad ayaan uga mahad-naqaynaa soo dhaweynta qiimaha badan ee qalbiga xaadhan, ee kal-gacalku ka muuqdo, waxa aan idiin ku nimi siddii aanu idin kala qeyb-qaadan lahayn mashruuca qaran ee diiwaan-gelinta, annagu u maanan iman in aanu halkan ka olaleyno, waad na aragtaan oo ciidan ma wadano, koofiyad cas ma wadano, taangiyo ma wadano, waxa aanu doonaynaynaa in aanu Burco kolba xaafad seexanno, oo shacbiga Burco mideynno, haddii Illaahay ka dhiga , waxa aanu doonaynaa in aanu xuduudka iyo meel kasta oo diiwaan-gelintu ka socoto in aanu gaadhno, oo hubino in diiwaan-gelintu ay siddii la rabay u hir-gashay, shacbiga Somaliland dhammaantii waxa aanu ugu baaqaynnaa in diiwaan-gelinta ay is-diiwaan-geliyaan, gaar ahaan shacabka Togdheer oo ah gobalkii ugu horeeeyey oo ay ka billaabantay, waxa aanu ugu baaqaynaa in qof kasta oo muwaadin ahi uu hal mar oo kaliya uu is diiwaan-geliyo si uu xaqqa uu lee yahay uu u helo. Diiwaan-gelintaasi wax badan ayey dalka u taraysaa, waxa ay wax-ka-taraysaa aqoonsigeenna, waxa ay wax ka taraysaa doorasho wanaagsan in aynu helno.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro)