Gudoomiye/Musharax Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Bahda fanka iyo Dadka ku hadla Af-somaliga ee uu ka baxay Abwaan Duncarbed

0
435

Gudoomiye/Musharax Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Bahda fanka iyo Dadka ku hadla Af-somaliga ee uu ka baxay Abwaan Duncarbed
Ujeeddo: Tacsi

INNAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Hargeysa(Warsugannews)Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, asxaabta, bahda fanka, guud ahaan dadka Af-Soomaaliga ku hadla, gaar ahaana shacabka reer Somaliland geerida ku timi Abwaankii caanka ahaa Marxuum Cali Sugule Cigaal (Dun-carbeed) oo ku geeriyooday magaalada Shaariqa ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) (11/01/2016).

Marxuum Cali Sugule Cigaal (Dun-carbeed) waxa uu xaalad caafimaad u yaallay cusbitaal ku yaalla magaalada Sharjah ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta muddooyinkii u dembeeyey, halkaas oo ugu dembeyntiina ajasha Alleh (SWT) ku heshay.

Mudane Muuse Biixi waxa uu ku tilmaamay Marxuum Cali Sugule Cigaal (Dun-carbeed) inuu Abwaanku ka mid ahaa rukunnadii waa weynaa ee horumarka gaadhsiiyey Fanka Bulshada Soomaalida, kaasoo curiyey ruwaayado iyo sugaan badan, kuwaasoo intooda badani ahaayeen wacyigelin uu kaga qeybqaatay halgannadii kala duwanaa, laga soo bilaabo halgankii xorunimo-doonka, wixii ka horreeyey sannadkii 1960-kii iyo halgannadii kala dembeeyey.

Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, inuu samir iyo iimaan innaga siiyo Marxuumka qoyska, qaraabada, asxaabta, bahda fanka, guud ahaan dadka Af-Soomaaliga ku hadla, gaar ahaana shacabka reer Somaliland. Aamiin…. Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE