Guusha laga gaadhay heshiiska Dp World iyo Somaliland taariikhda ayaa xusi doonta

0
377

Guusha laga gaadhay heshiiska Dp World iyo Somaliland taariikhda ayaa xusi doonta

Guulaha dawlad kobcaysa oo ku jiri raad barad ay gaadho inta aysan noqon dal la aqoonsanyahay ayaa ah kuwo taariikhda baal dahab ah ka gala kuna yimaad dedaalka iyo halganka hawl-wadeenada dalkaa horkacaaya ay sameeyaan haday noqoto heer madaxweyne, madaxweyn ku xigeen, wasiiro, agaasime, shaqaale weynaha qaran iyo waliba hiilka ay la garab taagan yihiin shacbiga xilalka kala duwan lo ohayo ee doortay dawlada haatan talada dalka gacanta ku haysa
Galinkii danbe ee isniintii oo ku beegnayd 05/09/2016 ayay ahayd kolkii qalinka lagu duugay heshiiskii rasmiga ahaa ee u dhexeeyay shirkada caalamiga ah ee Dubai Port World (DP world) fadhigeeduna yahay dalka isutaga imaaraadka carabta iyo dawlada uu horkacaayo Md. Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo kaasoo noqon doona heshiisa taariikhda baal dahab ah ka gali doona.

25ka sano ee ay Somaliland jiray waa heshiiska ugu badka, baaxada, mugga iyo meeqaamka weynaa eel ala galo shirkada caalami ah taasoo ay Somaliland nasiib u heshay in ay guul ga gaadho doonisteeda balaadhan iyo halganka had iyo goor ay ugu jiraan ka midho dhalinta himilooyinka shacbiga taagta daran ee kasoo kabtay duruufaha qalafsan ee dilka iyo dagaalku ragaadiyay
Waa talaabo loo qaaday dhanka horumarka iyo la dagaalanka dhaqaale darada dalka ka jirta, waa talaabo loo qaaday furitaanka xidhiidhka somalilland iyo calaamka oo noqon doonta mid dhiiri galisa shirkadao iyo dalal badan oo calaamka ka tirsan oo danaynaya in ay maa gashi ku samaystaan khayraadka tirade badan ee dalkani hodanka ku yahay, waa talaabo loo qaaday in lagu gaadhi karo hanashada aqoonsi caalami ah kol hadiiba uu wanaagsanaado xidhiidhka aynu la yeelanayno dawladaha aduunka iyo dalalka jaarka oo ay u noqon doon kuwo badan marin iyo marsooyin u adeega ganacsigooda iyo ka haqab tirka baahiyaha shacbigooda.

Dp world waxa ay dunida ka hawl gashaa 77 dekedood oo dunida ku kala yaala oo ay ku sameeyeen maalgashiyo aad u baaxad weyn kuwaas oo ay la galaan heshiisyo labada dhinacba u leh faaiido balaadhan iyagoo tobobarana u fidiya shaqaalaha ka hawl gala dhamaan dekadahaas, waa shirkad u carbisan la dhaqanka iyo wax isku darsiga dhanka dekedaha oo ay mudo 40 sanno ku siman ay ku dhex jireen heshiisyo noocan ah.

Ugu danbayn waa guul uu ku suntanaan doono maamulka haatan dalka ka jira ee uu hogaaminaayo Md. Axmed Silaanyo iyo hawl wadeenadiisa ku jira halgan iyo harumarinta koboca dhaqaale ee dalka, taariikhdu iyadaa xusi doonta waxtarka weyn ee uu yeelan doono mashruuca mugga weyn lah. Waxa aan si balaadhan usoo dhawaynayaa is bedelka guud ahaan dalka dhaqaalihisa lagu horumarinaayo gaar ahaan marsada iyo magaalada berbera oo noqon doonta mid aad uga bilic iyo balaadh iyo koboc dhaqaaleba gaadhi doonta taaso ay noqon doonto xarunta xudunta u noqon doonta ganacsiga Somaliland iyo dalalka jaarka ah.
Qalinki: Axmed Naasir
Ahmed.naasir90@gmail.ocm