Hab-Dhaqanka Iyo Dabeecada Hoggaamiyaha Wanaagsan

0
406

Hab-Dhaqanka Iyo Dabeecada Hoggaamiyaha Wanaagsan

Hargeysa(Warsugannews)Hab-dhaqanka awoodeed iyo dabeecada wanaagsani waxay qayb ka tahay hogaamiyaha wanaagsan.
Waxaana lagu tilmaamaa in koritaanka dabeecadaha aadamuhu ay qaadato muddo dheer, inkastoo aan la garan Karin qiyaasta saxda ah ee ay horumarto, haddana waxa lagu qiimeeyaa inay tahay akhlaaqda iyo anshaxa guud ee aad dadka kale u muujiso, taasoo kugu abuurta inaad sawirato waxa ku sugan maskaxda qofka kale, waxaanay tamarta dabeecadu ka timaado maskaxda.
Habdhaqanka aadamaha waxa lagu tilmaamaa inay tahay aqoonta wax barasho ee awoodeedu aadka u sareyso, tamarta hab-dhaqanka waxay ka timaadaa dareenka wanaagsan.

Sidoo kalena hab-dhaqanadaasi waxay noqon karaan kuwo leh awood, ama daciifa, kuwo wanaagsan ama xun, taasoo inta badan lagu tilmaamo in qofka dhaqankiisa aawooda leh ee haddana dabeecadiisu wanaagsan tahay lagu qiimeeyo inuu yahay hogaamiye wanaagsan oo dadkiisa iyo dalkiisaba ku hagi kara mustaqbalka waxa ay aaminsan yihiin.

Haddaba annigoo hore u soo arkay masuuliyiin leh hab-dhaqanka gang leaders-ka, oo ahaa kuwo ka xakameeyey faa’iidada iyo wax-tarka ay shaqaalaha uu masuulka ka yahay ay wada heli-laahaayeen, kuwaasoo u isticmaalay cadaalad-darro iyo eex, isla-markaana ahaa kuwo marka ay xafiisyada dhexdooda sii socdaan, isla-markiiba bilaaba inay cabiraan qiyaasta xogta baahida shaqaalaha iyo dhinaca awoodaha ee ay ka liitaan, ka dibna u isticmaalayey qofnimadooda inay ku gaadhaan siyaasadda ay lahaayeen, ka dibana waxay isha ku hayn jireen inta badan dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha, in ka badan wixii soo gali-lahaa shaqaalaha, noocyadan-qabow oo aan lahayn culeys badan qaacidada xisaabtoodu iyo shaki ay kaga doonayeen soo dhawaansho shaqaalaha ay kaga hellaan ixtiraam, noocaas oo afka qalaad loogu yeedho (Machiavellian Personality Disorders)

Haddana waxaan nasiib u yeeshay inaan la kulmo masuul leh sifaha hogaamiye wanaagsan kaasoo ka mid ah masuuliyiinta tallada dalka ka haysa, waxaanu ahaa masuul ka koray Ruuxda, Qalbiga iyo Garaadkaba, isla-markaana lahaa dhaqan iyo dabeecad wanaagsan, hawl-karnimo daacad ah, oo leh qiyam diiniya, ixtiraam, balan fiican iyo fahmo badan, sidoo kalena aan lahayn qab iyo qabyaalad, oo waji furan, kaasoo lahaa hab-dhaqanka hogaamiyayaasha wanaagsan, waxaanu masuulkaasi uu ahaa Gudoomiyaha Hayadda Shaqaalaha Dowlada, Prof. Maxamed Mixile Boqore, waxaanan ka imid annigoo la dhacsan.
Waxa wanaagsanaan lahayd waa haddiiba ay masuuliyiinta xilka dowlada haysaa noqon lahaayeen sida masuulkaa aan kor ku soo xusay aynu if iyo aakhiraba aynu najixi lahayn, waana masuul ku dayasho mudan.

Qoraa Dr. Maxamed Faarax Qoti
W, PH & Astrologist