Habka Casriga ah ee Cashuur Ururinta iyo Dadaalka Wasiir Samsam

0
483

Habka Casriga ah ee Cashuur Ururinta iyo Dadaalka Wasiir Samsam

Qormada 3aad:
Bixinta cashuurta dawladdu waa aasaaska guud ee dawladnimo, dadweynuhuna horumar ma gaadho haddii aanu bixin cashuurta. Waa hubaal in qof kasta oo muwaadin ahi jecel yahay jiritaanka Qaranimadda Dalkiisa Hooyo, cashuurtu waxay ka mid tahay tiirarka ugu waaweyn ee Dawladuhu ku dhisan yihiin. Matalan, dalka Mareykanka oo ah kan ugu dhaqaalaha badan dunida , waxa ay dadkiisu iskugu faanaan hadba sida ay u kala cashuur bixin badan yihiin (Tax payment).
Qof kasta oo muwaadin ah waxa ku waajibay inuu bixiyo cashuurta, muwaadinka cashuur bixiyaha ah (Tax Payer) iyo kan aan cashuurta bixin isku mid ma aha marka laga eego xaga wadaniyada iyo horumarinta dalka.
Nidaamka cashuur ururinta oo la hagaajiyo, la dhiiri geliyo, la habeeyo, lana casriyeeyo waxa ay ka qayb qaadataa in dakhligu korodho (Increasing Revenue), bulshaduna fahamto bixinta cashuuraha.

Nidaamka Casriga ah ee Cashuuraha:

Cashuurtu waxa ay ka mid tahay rukumada waaweyn ee qaran kastaa ku taagan yahay, waana halbowle lagama maarmaan u ah horumarinta adeegyada guud ee bulshada.
Cashuurtu waxtarka bulshada ay u leedahay waa ay badan tahay, waxaana lagu fuliyaa adeegyo muhiima oo la’aantood aanu horumar jiri Karin. Waxa ka mida:
 Sugidda Amniga iyo Nabadgelyada
 Waxbarashada ( dhisida iskuulada, jaamacadaha iyo goobaha kala duwan tacliinta)
 Caafimaadka ( Cisbitaalada, MCH-yada, )
 Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha (Infrastructure, sida wadooyinka,bridge-yada , isgaadhsiinta , korontada iyo biyaha )
 Horumarinta Beeraha, Xoolaha iyo wax-soo saarka
 Horumarinta Mashaariicaha kala duwan
Tusaale ahaan gaadiidku wuxuu ku socdaa shidaal,la’aantiina ma socon karo, sidoo kale Qaran kastaa shidaalka uu ku socdaa waa cashuurta muwaadinku bixiyo, hadii muwaadinku cashuur bixiye noqon waayana waa ay adag tahay in dalku guul iyo horumar gaadhi karo.

Tayeynta Cashuuraha:

Wasiir Samsam waxa ay la timid qorshe fiican oo qaranka waxtar u leh, kaas oo lagu dardar gelinayo qaababka loo ururiyo cashuuraha kala duwan ee dalka , iyada oo xooga la saarayo sidii cashuuruhu u soo xeroon lahaayeen maadaama oo ay yihiin kuwa lagu fuliyo adeegyada horumarineed ee bulshada.
Cashuuraha la horumariyey ee diiradda la saarey waxa ka mida:
 Cashuurta Geddista
 Cashuurta Macaashal-macaashka Daaraha
 Cashuurta Macaashal-macaashka Ganacsiga
 Cashuurta kala wareejinta iyo Diiwaan gelinta Heshiisyada
 Cashuurta Liisamada Baabuurta
 Cashuurta Waddo marista Gaadiidka
 Cashuurta Cusboonaysiinta Liisamada nooc walba
 Cashuurta kirada Gaadiidka
 Cashuurta Tigidhada
 Cashuurta Shaqaalaha
 Cashuuraha kale
Matalan, Cashuurta Wado Marista (Road Tax) wakhtiyadii hore waa la dayacay, lamana soo xareyn jirin, waxaana la caadaystay in la copy gareeyo warqadii khafiifka ahayd ee baabuurta lagu dhajin jiray, Balse markii Wasiir Samsam Hogaaminta wasaaarada maaliyada la wareegtay cashuurta wado maristu waxay ka mid noqotey cashuuraha la hagaajiyey ee horumarku ka muuqdo, waxaana meesha laga waayay waraaqihii hore loo copy garayn jirey, lacagihii la lunsan jirey iyo cashuurtii baaqan jirtay.
Arintan waxa bogaadinteeda leh Wasiir Samsam oo la timid hab casri ah oo nidaamka cashuuraha lagu ururiyo ee caalamka la jaanqaadeysa.

Gebo-gebo:

Intii Wasiir Samsam Abdi Adam Hogaanka u haysay wasaarada Maaliyada, waxa la tayeeyay nidaamka cashuur ururinta (Tax collection system) , qaab casriyana waa loo dajiyey . Ma jirto wax cashuura oo ay kordhisey wasiir Samsam balse cashuurihii dayacnaa ee aan la soo xareyn jirin ayay habaysay, casriyeysay si hufana u dardar gelisay.
cashuurihii baaqan jirey, la lunsan jirey ama meelo kale ku dhici jireyna meesha waa ay ka baxeen waxaanay toos ugu dhacaaan khasnada dawladda, arintaas oo sababteeda aya leedahay kuna amaanan tahay wasiir Samsam Abdi Adam.

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

La Soco ………………….…..!

Qalinka: Hamse H.Mohamed Muhumed
Master of Economics
Hargeisa, Somaliland
Email: Rantiisi111@gmail.com