Halkan CEELAFWEYN maanta nabad ayeynu ku go’aaminay, cida meel marinaysa ee kormeeraysaa waa Xukuumadda Somaliland, cidkasta oo nabada ka hortimaada sharciga ayaa loo adeegsanayaa.” Wasiirka Madaxtooyada JSL.

0
377

“ Halkan CEELAFWEYN maanta nabad ayeynu ku go’aaminay, cida meel marinaysa ee kormeeraysaa waa Xukuumadda Somaliland, cidkasta oo nabada ka hortimaada sharciga ayaa loo adeegsanayaa.” Wasiirka Madaxtooyada JSL.

Ceelafweyne (WSN) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shaaciyey inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo gacan adag wax kaga qaban doonto sharciga la tiigsan doonto cid kasta oo ka hortimaada in nabad waarta laga xaqiijiyo deegaanka CeelAfweyn ee gobolka Sanaag.

Wasiirka madaxtooyada ayaa sidoo kalena sheegay inay Xukuumaddu go’aamo ka soo saartay muran ka taagnaa deegaanka, dhul daaqisimeedka iyo biyaha Duud caraale ee gobolka Sanaag, waxanu xusay inay go’aamadaasi ay XUkuumadu mel marin doonto.

Wasiirka ayaa sidoo kalen dadweynaha Deegaanak Ceelafweyn ugu baaqay inay xukuumadda ku gacansiiyaan xaqiijinta Nabada iyo wadanoolaasha dadka walaaha ah, mudane Maxamuud Xaashi ayaa sidaasi ku sheegay Khubad uu maanta ka jeediyey madal ka dhacday Ceelafweyne oo laga dhawaaqay go’aamadaasi waxaanu yidhi “ Nasiib darro weyn weeye inay had iyo jeer soo noqnoqdaan isku dhacyo iyo shaqaaqooyin keena dhimasho iyo dhaawac farabadan ILAHAY (SWT) ma banayn falalka noocaas ah, nidaamka dawladnimaduna ma ogola, xuquuqda aadamahana waa ku xad gudub, dunidu horumar ayey hiigsanaysaa, bulshaduna waxay u kala horeeyaan sida ay u kala nabad badan yihiin ee u kala aqoon badan yihiin, deegaanada Somaliland-na waxa ay u kala horumarsan yihiin sida ay u kala nabad badan yihiin, aqoontooda iyo aragtidooduna u kala sarayso.

“ Halkan dhibaatooyin ayaa ka dhacay, ILAHAY ayaa qadaray, ILAHAY lama canaanto, waxa xuna waxa loo nisbeeyaa shaydaanka wixii wanaagsan ILAHAY. wixii halkan ka dhacay waxa kasbaday inaga, si gaar ah waxa dhaliisheeda u leh dadkii farahooda ku sameeyey, way dhici kartaa in dawlada lagu canaanto, waayo dawladu amaanka ayey ka masuul tahay, nabada umaddu iyadaa ka masuul ah, waxa dawlahdaha loo samaystaa inay nabada ilaaliyaan horumarna keenaan, wixii aanu dhaliil leenahayna waanu qaadanaynaa, wixii canaan ahna waanu qaadanaynaa.”

Wasiir ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ halkan dhibaataa hore ugu dhacday dhimasho iyo dhaawac keentay, mar labaadna way dhacday, waxa weeye dadkaa dhintay ee waxa aan munaasibka ahayn ku dhintay dhamaantood ILAHAY ha u naxariisto, kuwa dhaawaca ahna ILAHAY ha shaafiyo. caawa kuwaasi tallo uma baahna waxa tallo u baahan kuwa nool, hadaynu dhamaanteed isu tagno ma noolayn karno kuwaa, hadaynu ka murugoono, iyo hadaynu ka muusanowno, iyo hadaynu colaad iyo hiirtaanyo abuurno qof qof soo noolayn karaa ma jiro, sunaha noloshana kuma jirto. dadkaa dhintay lama soo noolayn karro, markaa sabab ay dhimasho iyo dagaal u sii socdaa ma jirto, waxa lumi doona nafo badan oo halkan fadhiya haday colaadu sii socoto, waa lagu cadaab mudanayaa, garab iyo gaashaan, xigaal, xigto iyo xidid badana waa lagu waayi doonaa, iyadoo la daalay ayaa maalinta dambe gacmaha layska dhunkanayaa, khasaaruhuna batay, oo ah maalintaan taagta hayeyna tallo ma hayn, maalintaan talada hayeyna taag ma hayn, kibirku dhaqankeena wuu ka buuxaa dabadeedna farta dhexda laga qaniinaa, sax maaha kolaa.”

Mudane Maxamuud Xaashia yaa sheegay inay u caqli celinayaa dadka dirirtu dhex martay waxaanu yidhi “ waxaanu u caqli celinaynaa dadkaa walaalaha ah ee isku nool ka ah ee naanaysaha gaar ka ah la baxay ee xulufonimadooda iyo walaalnimadoodu gayeysiisay inay magac gaar ah la baxaan, oo Nugaal ka caan ah, waxaanu leenahay sidiinii hore ku noolaada, wixii nabada ka hor imaada is dili maayaan iyaku ee dawlada ayey is diliyaan, markaa labada waxa la qaatay in umadda hay’ada u dhaxaysa inay isku dhacaan, wixii nabada diida ciidamada Amniga iyo dawlada ayey is dilayaan.”

“ dawladu dadka waa u dex qolana dhinaca ma saarto, dadka deegaanka iyo deegaamada kale oo dhan kibrad ayey xukuumadda Somaliland u leedahay shan iyo laatankaa sano sida wax loo nabadeeyo, waana waxa aynu ku dhaano walaaladeena baydkooda iyo baradoodii gubanayso, waxa weeye dadka waanu isugu faalinaynaa, ee u kala faalin mayno. dadka nabadooda ayaanu adkaynaynaa, gacan adag ayaanu ku kaxaynaynaa arrimaha nabadgalyada, arrimaha siyaasada waanu mukhaynaa gacanta ayaanu u badalinaa, dabadeedna waxa dadka qaarkood moodaan in dawladu ay jilicsan tahay. dawladu waa inay laba is barbar wadaa gacan caqli ah waayo dadka caqli ayaa lagu kaxeeyaa, cudud kaliya hadii aad damacdo inaad wax ku xalisana sax maaha, caqli kaliya hadaad damacdo inaad wax ku xaliso oo cudud la waaya sax maaha, labadaas gacmood ayaanu wax ku xalinaynaa, mid waliba markay munaasibad tahay ayaanu adeegsanaynaa.”

Wasiirka madaxtooyada ayaa sidoo kalena xusay inay Xukuumadu sharciga la tiigsan doonto cid kasta oo ka hortimaada Nabada waxanu yidhi “ halkan maanta nabad ayeynu ku go’aaminay, nabadaasi inay meel marto ayaanu doonaynaa, cida meel marinaysa ee kormeeraysaa waa Xukuumadda Somaliland, cidkasta oo nabada ka hortimaada, falal ka dhana la timaada, sharciga ayaa loo adeegsanayaa, qof sharciga ka weyni ma jirro, qof gacanta ku qaadan karaana ma jiro, saaka dad badan oo deegaankan jooga ayaa ka hor imid nabadii oo qaar xilal qaranka ka hayaa ka mid yihiin, oo qaar cuqaal yihiin, waa xidhan yihiin, hadaan talaabadaa la qaadin nabadi suuroobi mayso, kuwa baxsadayna waanu xidhaynaa, dadkaa aanu xidhnay ma sii daynayno ilaa aanu nabad, wacad iyo dhaar ka qaadno, haduu yidhaa waan soo noqonayaa oo nabadda ayaan qaadanaynaa damaanad-na waa laga qorayaa wacadna waa laga qaadayaa, Nabadu qadhaad ayey leedahay, xanuuna way leedahay.”

img_0067

img_0071

img_0073

img_0074

img_0077

img_0078

img_0079

img_0081

img_0084

img_0086

img_0087

img_0088

img_0090

img_0092

img_0093

img_0098

img_0099

img_0107

img_0109

img_0116

img_0118

img_0124

img_0125

img_0132

img_0141

img_0145

img_0146

img_0149

img_0154

img_0159

img_0165

img_0174

img_0177

img_0180

img_0184

img_0187

img_0191

img_0194

img_0195

img_0199

img_0206

img_0210

img_0216

img_0222

img_0226

img_0231

img_0237

img_0239

img_0243

img_0249

img_0251

img_0257

img_0261

img_0264

img_0266

img_0268

img_0271

img_0275

img_0279

img_0289

img_0291

img_0297

img_0299

img_0316

img_0318

img_0323

Wa Bilaahi Tawfiiq