Halyay Uhayaamay Hadafka Dhalinta Maanta

0
417

Halyay Uhayaamay Hadafka Dhalinta Maanta

Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha Mr.Sharmarke Axmed Muxumed waa halyeey u hayaamay inuu hamiga iyo hadafka dhalinta maanta u jeexo sidii ay u heli lahaayeen cadaalad loogu qaybiyo shaqooyinka dalka ka soo baxa haba yaraadaane maxaa yeelay dhalinyar dalka wax badan u tari lahaa ayaa ku dhamaaday badaha mideterenianka taasina waxa ay keentay in waalidiin farabadani ku goblamaan waxaan soo yara qaadanayaa maanso uu tiriyey abwaan gaariye abkuu doono ha sheegto’e dad ninkaan af aqaanee si wax iila arkaaye na mideyso ujeedo masuulnimo yaa geeya oo fali kara cadaalad halkan waxaan ku cadaynayaa inaanay ahayn warbixintaydani midaan ku amaanayo sharmaarke laakiin ay tahay in qofka waxa wanaagsan ku hamiyaya inaan garab i staagno ka dhalinyara ahaaan iyo ka shacab ahaanba inaynu ku dhiira galino igana tahay inay dhalinyartii ay maanta garab taagan tahay iyo bulshadii kale ee sugaysay cadaalada waxaanu ku amaanaynaa madaxweynahayna mudane Axmed Max,ed Maxamud ( Siilanyo) doorka wanaagsan ee uu ka qaatay dhalinyarta maanta maxaa yeelay waxa uu u soo magacaabay sharmarke oo ah iftiinka keliyaa ee ay maanta dhalinyartu heshay waxaanu jecelnahay in madaxweynuhu sharmarke oo kale u magacaabo meelaha u baahan dhalinyarta. Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbinayaa in manta laga bilaabo ay dhalintii dalka uga qaxayey cadaalad darada inuu u soo baxay halyeey da’a yar oo wax badan ka badalay rajadii dhalinyartii ay ka lahaayeen dalkoodii hooyo taas oo maant ay filanayaan in ay ka bixi doonaan labadii inan(hablood) ee isu galaska ahaa midkii reerkoodii wasiir lahaa ka rajo fiicnaaday kii hadh iyo habeen ku soo jeeday siduu u dadaali lahaa indhuhuna ku soo baxeen ee is lahaa reerkiinii waxbaad u tari in markii ay CV ga wada geeyaan meeshii ay shaqadu ka banaaneed in kii reerkoodii wasiirka lahaa dhabarka laga taabto kii kalana la yidhaahdo wax majiraane CV ga halkaa iska dhig markay wax soo baxaan ayeynu kuu yeedhi doonaa taasoo ay uga fiicned in markaaba la qanciyo oo la yidhaahdo waxba laguu ma hayo ee iska tag,

Wasaaradaha qaarkood waxaa loo sameestay laba faayl oo qofka marka la keeno midna lagu rido kan wajiga wato kan kalena la yidhaahdo faylkii hore gali taasina macnaheedu yahay kan dambe waa kii loo baahnaa kii kalana raja ku nool uu noqdo wadada kaliya ee uu ku fikiraa ay tahay inuu yurub tago oo ka quusta dalkiisii hooyo si uu markiiba uga raysto ereyada ay caadeysteen dadkeenii maangaabka ah oo ay u sii
dheertahay xaafadoodii iyo xaafadihii kale markay isu soo wareegaan inankii canaan nafta lagaga jarayo oo inankii mayaanu wali shaqa galin waa kuwayagii markiiba shaqa galayee taasi inankii waxa ay ku abuuraysaa inuu war war iyo walbahaar seexan waayo oo habeen madow ka dhaqaajiyo sidaana uu ku maro saxarihii geerida iyo noloshii u dhaxaysay sidaa darteed manta waxa la helay nin fifircoon oo dhalin yar ah oo garanaya shaqa la’aanta dhaibaatada ay leedahay kana damqaday cadaalad darada lagu hayo dhalinyarta markaa waxa uu u guntaday inuu shaqooyinka lagu heli jiray reer nimada uu meesha ka saaro wasaarad walba wixii shaqaala ay u baahantahay u soo gudbiso ha’ada shaqaalaha dowlada si loo mariyo sifadii saxda ahayd ee xalaasha ahayd ee lagu kala baxayey oo qofkii wax bartayna uu xaqiisii ku helayey kii aan waxba soo barana uu halkaa ku harayey naftiisana ku eersanayey maxaad wax u baran wayday ileen meeshii maxaad taqaan baa timide , ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu ilaahay la garab galo dadaalkaa iyo firfircoonaantaa daaacadnimadana ku dheehantahay ee uu muujiyey shamaarke una tafa xaytay sidii loobadali lahaa nidaamkaa xun ee dalkeenii ragaadiyey sharmaarke waa halyeey ,halyeeyaduna isdhaafeen waa haldoor muhiimoo hamigiisu wacanyahay hanaankiisu saxanyahay hadafkiisu dheeryahay hibo eebe siiyoo hufnaanina u dheertahay. LASOCO qaybt 2aad……………………………….
abdirahmaan haaji osman