Hambalyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Mudane Muse Bixi Cabdi, Mujaahid Xassan Ciise Jaamac,   Madaxweyne ku xigeenkii u horeeyey Jamhuuriyadda Somaliland

0
606

Hambalyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Mudane Muse Bixi Cabdi.

Taariikh: 17.6.2020

Anigoo ah Xasan Ciise Jaamac waxan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ku hambalyeynayaa guusha uu ka soo hooyey shirkii wada hadalada Qaranka Somaliland iyo Soomaaliya ee ay dhex-dhexaadinayeen dalalka Maraykanka, Ethiopia, Jabuuti iyo Goob-joogayaashii ay ka midka ahaayeen midawga dalalka Afrika ee ay gogashiisa lahayd dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Qodobadan hoose waa kuwa aan madaxweynaha ku hambalyeynayo sida geesinimada leh ee uu shirkaasi uga dhex akhriyey dareenka shacbigiisa iyo dalkiisu qabaan ee garnaqsiga ahayd:-

  1. Shuruudaha uu ku xidhay kulanka Somaliland iyo Somaaliya ee uu ku guleystay, inaan dhinaca Somaaliya lagu soo darin xubno ka soo jeeda Somaliland Iyo in dawladaha waaweyn iyo ururada caalamiga ahi goobjooge ka ahaadaan kulankaa.

 

  1.  Qaabka uu wefdiga Jamhuuriyadda Somaliland ugu diyaargaroobay kulanka iyo dooda Somaliland sida uu madaxweynuhu ugu soo bandhigay kulanka, af iyo qoraalba.

 

 

  1. Natiijada kulanka sida inaan la siyaasadeyn kaalmooyinka labada dal ka helayaan shiisheeyaha iyo in wada hadalada labada dhinac ay hagaan danaha dadyawga labada waddan.

 

  1. War-murtiyeedkii kasoo baxay kulanka Jabuuti oo si siman oo isku mida uga hadlay isuna garab-dhigay labada madaxweyne iyo labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya.

 

 

  1. Xulashada Xubnaha wefdiga ku wehelinayay madaxweynaha shirka iyo xubnaha uu u magacaabey gudiga farsamada.

 

Xasuusin;

 

  1. Waanigii odhanjiray tan iyo 1991, diriiqa loo marayo ictiraafka Somaliland waxa uu ka bilaabmaa Xamar, Cabdiraxmaan Axmed Cali (AHUN) iyo anigu waanagii 1991 Xamar u dirnay wefdi uu hoggaaminayo Saleeban Maxamuud si cilaaqaadka labada waddan ugala soo hadlaan.

 

Xukuumadihii naga dambeeyay way ka maageen wada hadalada Xamar, markii aan taladaas dib usoo celiyay een kusoo qoray warbaahinta Somaliland ayuu Axmed Silaanyo ku dhiiradey, Muusena maanta wuu ku hagaagsanyahay inuu wadahadalada halkaas ka sii wado, waayo danta Somaliland ayaa sidaasi ku jirtaa.

 

Marka ay ugu badantahey Somaliland waxey ka heli doonta ictiraaf, marka ay ugu yartahayna waxay ka heli doontaa garawshiiyo caalamiya.

Marka aad garleeday garnaqsiga lama diido loomana eekaado garmaqaate.

 

Waayo caalamka ayaa ku odhanaaya hadaad ictiraaf dooneyso soo kala baxa cida aad kala tageysaan.

 

  1.  Xukuumadan iyo xukuumadkastaba xaq ayay u leeday in lagu hambalyeeyo wixii guul ah ee ay soo hoyso.

Sida mucaaridku uu xaq ugu leeyahay inuu xukuumada kala taliyo wixii dhaliil ah ama dhibaato keeni kara.

 

 

WA BILLAAHI TAWFIIQ.

 

           Mujaahid Xassan Ciise Jaamac,  

Madaxweyne ku xigeenkii u horeeyey Jamhuuriyadda Somaliland                      

 

Ku Sugan Dalka Turkiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here