Hargeysa: Booliska Oo Saldhiga Daami Ku Xidhay Wan Hirdi Ku Dilay Wan Kale

0
1636

Hargeysa (Warsugan) Wan hirdiyey Wan kale ayaa saldhiga xaafadda Daami loo taxaabay kadib markii uu hirdi xoog badan madax kala eegtay isla markaana uu halkaas ku naf waayey Wankii kale.

Muuqaal laga soo duubay gudaha saldhiga Daami ayaa waxaa ka soo dhex muuqday Wanka hirdida ku dilay Wanka kale, waxaana ag joogay askarr isaga oo ku xidhnaa geed saldhiga ku dhex yaala.

Sarkaal ka tirsan saldhiga oo Video ka dhex muuqday ayaa sheegay

“Waa dhagar qabe, meeshu waa saldhig oo waxba laguma sawiro aqalkiina ku sawirta anigu maxkamadda ayaan gaynayaa ama dil halagu xukumo ama hala sii daayo”

Gabadh goob jooge ahayd oo Iyana ka muuqatay Video labaad oo laga soo duubay goobta shilku ka dhacay ayaa sheegtay

“Wanku wanka dib ayuu uga baxay oo hirdu ayuu ku dhuftay kadibna madaxa ayaa qarxay oo maskaxdii ayaa ka soo daadatay”

Goob jooge kale oo ku sugnaa gudaha Saldhiga ayaa yidhi

“Imika markii Wankii la gawracay wax cadd ayaa ka soo dareeray maskaxda ayaa caanaha noqotay”

Boolisku may xaqiijinta dembiga lagu qaadi doono Wanka, balse amaanka labada xaafadood ee labada neef leh amaankooga iyaga oo ka shaqayna waxay soo xidheen wankii waxyeeladda gaystay.

Sharciyadda xukunka ah ayaa noqon karta sida ay qabaan sharci yaqaanadu mid madani ah oo ay ka wada xaali karaan labada reer ee lahaa Wananka.

Arrintan ayaa soo jiidatay dad badan oo ku xidhan baraha bulshadda ee ku wada xidhiidha Facabook kuwaas oo aragtiyo kala duwan ka bixinayey dhacdadan.

Muuqaal:

Warsugan Staff

Hargeysa-Somaliland