Hirdanka Masar Iyo Itoobiya Oo Bohol Ku Riday Kursiga Farmaajo Iyo Isbedel labadii Maalmood Ee U Danbeeyey Laga Dareemay Muqdisho Iyo Geeska Afrika

0
886

Hirdanka Masar Iyo Itoobiya Oo Bohol Ku Riday Kursiga Farmaajo Iyo Isbedel labadii Maalmood Ee U Danbeeyey Laga Dareemay Muqdisho Iyo Geeska Afrika

 

Laba Qodob oo badka keenay isbedelkii Geeska Afrika oo Weji Cusub yeeshay ka dib markii Abiy Axmed Hortegay Baarlamaanka dalkiisa Iyadoo Farmaajana Maalin Ka Hor Uu Hortegay Baarlamaankiisa

 

Hargeysa-09-06-2020-(Warsugan)-waxa maalintii shalay golaha baarlamaanka Itoobiya hortegay ra’iisal wasaare Abiy Axmed oo khudbad uu jeediyey kaga hadlay warar loo dhegtaayey oo dhawaanahan laga dareemayey isbedelkeeda dalka Soomaaliya gaar ahaan muqdisho oo la odhan karo sabab ayey u ahaayeen madaxdeedu, taas oo sababtay in shaki la geliyo madaxtinimada madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo aad moodo in lagu dagay ama aynu odhan karno siyaasad xumaa u geysay hub sharci daro ah oo uu Dalka Masar ka gudoomay, kaasoo welwel ku abuuray dalka Itoobiya oo intii uu isbedelku ka dhacay uu farmaajo u ahaa marxiis siyaasadeed oo uu kolba dhinac u uu daadahayn jiray Ra’iisal wasaare Abiy Axmed, balse wakhtigan dadka siyaasada indha-indheeyaa ay sadaalinayaan inuu ka siibtay kursigii marxiisnimada, taas oo laga dareemay ama laga saadaaliyey laba dhinac oo kala ah;

 

  1. Tallaabo uu hore u qaaday Abiy Axmed oo ahayd in isu-soo jiidistii uu ka dhex waday Somaliland iyo Soomaaliya uu ku fashilmay madaxweyne Farmaajo, isla markaana uu Abiy Axmed arrimahaasi ugu yeedhay una wakiishay ra’iisal wasaare Khayre, arrintaas oo walaac iyo shaki hor leh ku abuurtay bulshada indhaha la raac-raaca ama u dhegtaaga arrimaha siyaasada geeska.
  2. Waxa iayana soo baxday todobaadyadii u danbeeyey warar rasmi ah oo soo shaac baxay salkana ku haya hub fara-badan oo dalka Masar soo gaadhsiisay dalka xayiraadu ka saran tahay hubka ee Soomaaliya, kaas oo walaac ku abuuray dalalka daneeya arrimaha geeska iyo gaar ahaan dalka Itoobiya oo muran siyaasadeed oo la xidhiidha webiga niil ka dhexeeyo dalka Masar taas oo muujinaysa in Dalka Masar danaynayso inay qayb ka noqoto arrimaha siyaasada ee dalalka badani faraha kula jiraan ee Soomaaliya, taas oo itoobiya mudooyinkii u danbeeyey aad mooday inay Masar kaga gacan saraysay.

Labadaa qodob waxay badka keeneen laba tallaabo oo iska bedelay dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya todobaadkan gudihiisa ama labadii maalmood ee u danbeeyey kuwaas oo kala ahaa in Madaxweyne Farmaajo uu si degdeg ah isaga xaadiriyo kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, halkaas oo aanu kala kulmin arrin ka farxisa, balse uu kala baxay cadho sababtay inuu ilaawo in dalkiisa uu geliyey xaalad degdeg ah oo bandoo ah taas oo ciidamadiisu hore ugu dileen dad ku cawaynaya guryaha hortooda, ka dib markii uu amray gudoomiyaha gobolka inuu isugu yeedho mudaharaad ay qayb ka yihiin ciidamada kala duwan iyo baanboyda oo iyagu ay ahayd inay maalin qaran uun tumaan astaanta dalkaasi, haseyeeshee may dhicin oo waxa lagu dhex arkay bulshadii la yidhi iskeed ayey usoo baxday oo waxay taageerayaan madaxweynaha, taas oo dad badan iyo siyaasiyiini u fasirteen in dalku ku jiro xaalad keligii taliye oo isaga lagu raaligelinayey dibed baxyadaasi ka dib markii mudaharaad kale lagaga soo horjeestay kii abaabulnaa.

 

Mida kalena waxa ay ahayd mid isla shalay soo baxday oo Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed uu ku hortegay Barlamaanka dalkaasi isagoo ka hadlay arrimo dhawra oo ay ugu muhiimsanayd inuu ka dhawaajiyey in Itoobiya diyaar u tahay cid kasta oo soo weerarta dalkuna leeyahay ciimado difaaci kara, isagoo si cad daboolka uga qaaday in aanu dalkiisu marnaba ka tanaasulayn arrinta webiga ee muranka xoogani ka dhexeeyo Masar, isagoo hoos u dhigay dagaal dhawaan ku dhex maray labada ciidan ee dalalka Itoobiya iyo Suudaan oo uu sheegay inay ku dhamaynayaan wada hadal hadii laga fursan waayana ay la tegayaan ururka midawga afrika.

 

 

Isku soo wada duuboo arrimahaas oo dhami waxa ay daaha ka rogayaan in isbedelkii geeska ka socday yeeshay waji kale oo cusub farmaajana seegay taageeradii shacbigiisa ee uu hore taageerada ugaga helay inuu dalka ka xoraynayo ciidamada itoobiya balse taa bedelkeedii ay keentay inuu marxiis ka noqdo siyaasada cusub ee Itoobiya oo kolba dal uu u raaci jiray Abiy Axmed oo isagu ka shaqeeyey inuu noqdo hoggaamiyaha keliya ee afrika ah ku guulaystay abaalmarinta Nobel peace prize. iyadoo farmaajo ay soo foodsaartay laba culays oo kaga yimid itoobiya oo uu kaga baxay arrimihii ay hore uga heshiiyeen lana soo saftay dal ay is hayaan iyo culays siyaasadeed oo gudaha muqdisho kaga socda kaas oo u raacay dagaalkii uu kula jiray maamulada Puntland iyo Jubaland oo aanay marnaba isku wanaagsanayn una arkayey inay caqabad ku yihiin doorashada soo socota ee uu doonayo farmaajo inuu mar kale isu soo sharaxo kursiga liliqanaya ee wakhtigan.

Wargeyska Warsugan Media Group

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here