Hooyo Iyo Ilmo Ay Dhashay Oo Gaajo Iyo Haraad Ugu Geeriyooday Deegaanka Ceesha Oo Ka Tirsan Burco

0
301

waaxa qoreya yaasir br

Deegaanka Ceesha oo ka tirsan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa waxa gaajo iyo haraad ugu dhimatay hooyo umushay laba caruur ah oo mataano ah oo midi la geeriyooday.
Deegaanka Ceesha ayey wararku sheegayaan inay ka taagan tahay abaar baahsan oo saamayn adag ku yeelatay dadkiiSida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno deegaanka Ceesha oo 8km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Burco, hooyadan ayaa u dhimatay haraad iyo gaajo haleelay wakhtigii ay umushay taas oo keentay inay geeriyooto, halka labadii caruur ahaana uu mid ka mid ah isaguna geeriyooday halka kii kalana ku sugan yahay nolol u baahan in laga gargaaro.
iyo xoolihii ku noolaa deegaankaasi iyada oo intaasina u dheer tahay adeeg xumo ka haysata dhinaca caafimaadka taas oo aan lahayn goob caafimaad oo lagu daryeelo dadka ku nool deegaankaasi.